“Jawaabta Madaxweynaha Laga Sugayay Hadal May Ahayn, Laakiin Talaabo Ayaa Laga Sugayay”

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doorto Gobolka Awdal, ayaa naqdiyay qaabka madaxweyne Siilaanyo uga hadlay xaaladda Awdal, waxaanu sheegay inaan madaxweynaha laga sugayn hadal balse laga sugayay inuu talaabo cad qaado.
 

 
 
 
Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo waraysi siiyay daacadda VOA-da, ayaa sheegay in jawaabta madaxweyne Siilaanyo laga sugayey ahayd ficil “Ta gobolka Awdal uu madaxweynuhu kaga hadlay, waxaan is leeyahay madaxweyaha jawaabtii laga sugayey hadal ma ahayn, laakiin, tallaabaa laga sugayey si dadku u degaan, waana kii ka garaabay cabashooyinkii jirey, jawaabtii la sugayey ficil bay ahayde hadal ma ahayn, xataa kaa ka duday ee uu sheegayey waxay ahayd inuu la xidhiidho oo may ahayn inuu hadallo iskaga yidhaahdo, siduu doonaba ha u dhigee ka cadhoodayna isagaa u madaxwyene ahe”.Ayuu yidhi Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle .
 
 
 
 
Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa waxaa uu sida oo kale uu ka hadley tabashadii ay odey dhaqameedka ka soo jeeda gobalka Awdal ay hore ugu soo gudbiyeen madaxweyne Siilaanyo. “Madaxweynaha iyo umaddii hadashay waynu isku waafaqsanahay, madaxweynaha masuuliyaddu waxay ka saaran tahay wax kasta oo khilaaf keenaya, cabashadanina waxay u timi isagoo lix bilood joogay, maantana lixdii ugu dambeeyey ayuu ku jiraa, xataa waxa uu xaq u leeyahay inuu yidhaahdo xaq uma lihidin waxa maqan,cidda go’aanka laga sugaya ee laga cabanayaa wasiir ma ahee madaxweynahay leeyihiin sadburusiinyaan arkaynaaye xaqayayaga nasii”.Ayuu yidhi xildhibaan Axmed-yaasiin.
 
 
 
 
 
 
Ugu danbeyntiina Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxaa uu si kooban uga hadley arrinta suldaan Waber.“Arrinta Gobolka hadday ogtahay inuu suldaan wabar guutooyin urursaday oo uu soo wado maxaa Dawladaha Jaarka looga Been abuurayaa, reer Awdal hadday somaliland ka xiisoodaan oo ay Xamar u xiisoodaan tallaanu iskugu imanaynaa, tanna in nalooga Tago mooyaane cidna uga tegi mayno.”Ayuu yidhi Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.