Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-(berberanews)-Gaariga ay maanta oo idil ku  raad-joogeen hey’adaha ammaanka dowladda oo la sheegay in uu geysan doono weerar argagixiso, ayaa qarxay kaddib markii ay ogaadeen ciidammadu gaadhigaasi noociisu yahay Noha, iyadoo uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh xili uu ka cararayey ciidammada ammaanka oo eryanayay.
Gaadhiga, ayaa isku dayey markii la oggaadey in uu baxsado isagoo doonayey in uu ku baxsado dhanka wadada Afisyooni ee degmada Waaberi, waxa uuna si qaldan ugu dhacay isaga oo cararraya gaadhi ay saarnaayeen dad rayid, halkaasoo  uu ka dhashay khasaare kala duwan.DSC02876-619x264
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusus Cismaan ayaa Warbaahinta u sheegay oo yiri “Ciidammada waa ay qaban lahaayeen gaariga hasa yeeshee markii maray waddo qaldan ayuu ku dhacay gaari rakaab ah oo ay dad shacab ah saarnaayeen, arrintaas ayaa dhallisay dhimashada Afar qof iyo dhaawaca dadka kale oo Isbitaallada loo qaaday, waxaan aad uga xunnahay dhibaatadaasi dhacdey oo ay ciidamada ammaanka suuragaliyeen in ay joojiyaan khasaaraha oo haddii uu gaariga meesha uu doono tagi lahaa uu geysan lahaa”.
Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in hey’adaha Sirdoonka ay macluumaadka la xiriira gaarigaasi argagixisadu doonayeen in ay weerarka ku geystaan ay ogaayeen hasa yeeshee ciidammadu dadaal badan kaddib ay ogaadeen nooca gaariga iyo meelaha uu ku soo wajahan yahay, hey’adaha ammaanka dadaalkooda ku aaddan in laga hortago dhagar-qabayaasha waa ay sii wadi doonaan oo waxaan codsaneynaa in shacbiga ay gacan naga siiyaan arrintaasi, ayuu yiri Afhayeenka.