Qarax Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Al-Shabaab Oo Masuuliyaddiisa Sheegatay

Muqdisho (Berbera news) Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qarax is-miidaamin ahaa oo galabta ka dhacay agagaarka xerada Afasiyooni oo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, qaraxan oo lala beegsaday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
 
 
 
 
Gaadhiiga is-miidaaminta lagu gaystay ayaa la sheegay inuu ahaa Suzuki, iyadoo qaar ka mid ah saraakiil hay’adaha amniga dowladda Somalia ay sheegeen inay ka warhayeen gaadhigan ismiidaaminta lagu fuliyay, isla-markaana ku dhacay gaadhi NOAH ah oo uu qof shacab ah watay.
 
 
 
 
Saraakiisha hay’adaha amniga dowladda ayaa sheegay in gaadhigan uu isku qarxiyay waddo ay marayeen ciidamada dowladda iyo gaadiidka shacabka, iyadoo masuuliyadda qaraxan ay sheegatay Al-shabaab. Iyadoo weerarkan ay ku gubteen baabuur fara badan.
.
 
 
 
 
Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Dheere oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in weerarkan ay fuliyeen ciidamadooda ku sugan Muqdisho, ayna la beegsadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, isagoo intaas ku daray inay khasaare xooggan gaarsiiyeen.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.