Berberanews-Shirkadaha internet-ka, ayaa diiday inay hay’adaha ammaanka gacanta ka geliyaan caddaymo muhiima oo ka dhan ah dadka dambiyada halista gala, gaar ahaan kuwa daroogooyinka ka gacansada amma dilalka geystay, iyagoo ku dooday in aan shuruuddoodu ahayn inay dambiilayaasha noocaas ah macluumaad ka gudbiyaan.
Si shirkadahani u adkeeyaan adeegyadooda, sida shirkadaha Telecoms iyo kuwa iska leh baraha bulshadu ku kulmaan ee Facebook iyo Twitter ugu horreeyaan, ayaa dambiilayaasha si dadban uga caawiya inay ka baxsataan in la qabto amma macluumaadkooda la helo.
Shaqsiyaadka sida gaarka ah ay u diideen waxa ka mida Mr. Edward Snowden oo Maraykanka ka bixiyey siro aad u ballaadhan, laguna daba jiro si loo helo macluumaadkiisa, balse shirkadaha maamula internetka adduunka ayaa ka biyo diiday gudbinta macluumaad kasta oo ninkaas ku saabsan.
Warbixintan oo uu helay wargeyska Daily Telegraph, ayaa shirkadaha internetka lagu dhaleeceeyey in aanay waxba ka qaban ka-hortagga falalka argagixiso iyo in dadka adduunka dhibaatada gaadhsiinayaa sii fidaan.
Agaasimaha Isgaadhsiinta Ingiriiska Mr. Rober Hannigan, ayaa bishii November ka digay in shirakadaha adeega internetka bixiyaa ku guuldarraysteen xakamaynta falalka argagixiso iyo macluumaadka ka keenaan.
Shirkadda Facebook ayaa lagu eedeeyey in ay ku fashilantay soo gudbinta macluumaadka rag badan oo ku hawlana falal dilal ah, isla markaana xogtooda hayeen, gaar ahaan rag xagjir ahaa oo damacsana in ay askar laayaan sida Micheal Adebowole oo dilay askari al odhan jiray Fusilier Lee Rigby.