Tafatirihii Somaliland Sun Oo Lagu Xidhay Magaaladda Jigjiga

Hargeysa (Berbera news) Tifaftiraha Shabakada Somalilandsun Yuusuf Maxamed Xasan ayaa la sheegay in lagu xidhay 24/12/2014 Magaalada Jigjiga ee dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia,kadib markii uu ka soo laabtay Safar uu ku tagay Magaalada Adis-ababa ee Xarunta dalka Ethiopia.
 
 
thumb.php
 
 
 
Siday baahisay shabakada wararka internetka ee hayaannews ma Jiro war rasmi ah oo dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia ka soo saartay Xidhiga Suxufigan, hase yeeshee siday sheegayaan ilo-wareedyo hayaannews la xidhiidhay waxay xaqiijiyeen Tifaftiraha Shabakada www.Somalilandsun Yuusuf Maxamed Xasan uu ku xidhan yahay Magaalada Jigjiga, isla markaana loo haysto war uu ciwaan uga dhigay “Jigjiga the Ethiopian Town where Bajaj is King Transporter” oo uu ku baahiyay Shabakadiisa, kaas oo ku qornaa luqada Afka Ingiriisiga.
 
 
 
 
Warku waxa uu intaa ku darayaa inuu Tifaftiruhu uu haatan muddo ku xidhan yahay Magaalada Jigjiga, iyada oo aan la garanayn wakhtiga la horgayn doono Maxkamad eegta denbiga loo haysto iyo wixii la xidhiidha.
 
 
 
 
 
Ururka Midowga Mareegaha Internet-ka Somaliland ‘Somaliland Online Association (SOA) ayaa waxay aad uga xun yihiin xadhiga lagula kacay Tifaftiraha Shabakada Wararka ee www.Somalilandsun.com Yuusuf Maxamed Xasan, isla markaana waxay madaxda dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ka dalbanayaan inay si degdega xoriyadiisa ugu soo celiyaan Suxufigan.
Ururka Mareeguhu waxay sidaa ku sheegeen qoraal koobaan oo ay maanta ka soo saareen Xadhiga Suxufiga Yuusuf Maxamed Xasan, kaas oo uu ku saxeexan-yahay Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Somaliland SOA Mustafe-Janaale.
 
 
 
 
 
Dhinaca kale bahda saxaafadda xorta ah ee Somaliland ayaa aad uga xun xadhiga weriyahaa, oo aan la ogayn xaqiiqda waxa loo haysto, balse la tebay markii in mudo ahba aan la arag. Sidaa daraadeed guud ahaan saxaafadda Somaliland waxay ka codsanaysaa maamulka kililka iyo dawlada itoobiyaba in weriyahaa xoriyadiisa loo soo celiyo.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.