Wasiirka Maaliyadda Oo Kormeer Ku Tagay Kastamka Iyo Dekedda Berbera + SAWIRO

Berbera (Berbera news) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay wehelinayaan Agaasimayaasha Waaxyaha Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo Tirakoobka ayaa kormeer ku tagay magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, waxaanay kormeereen Kastamka Berbera iyo laamaha kala duwan ee Dawladda.
 
https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2015/01/samaa3.jpg?resize=536%2C357
 
 
Wasiirka iyo masuuliyiinta la socotaa waxay subaxnimadii shalay ku waabariisteen xafiisyada kastmaka Berbera, halkaas oo si habsami ah ay uga socotay shaqada adeega dadweynaha ee cashuur ururintu, waxaana halkaas warbixin ku siiyey madaxda Maaliyadda isuduwaha wasaarada maaliyada gobolka saaxil ahna maamulaha kastamka Berbera. waxaanuu sheegay in kutalagalkii dakhliga ee sanadkii dhamaaday ee 2014 uu sidii loo qorsheeyay usoo baxay isla markaana dakhli dheeraad ahi soo xarooday, waxa kale oo isuduhu ka warbixiyey nidaam cusub oo ay kastamka ka hirgeliyaan kaas oo casri ah isla markaana enteriyadii wax lagu dul qori jiray ay ka dhigeen elelctronic taas oo waxbadan fududeeyay haday tahay tirakoobka iyo khaladaadkii ka iman jiray qiimaha (under collectionka), sidoo kale wuxuu sheegay in aqoonta shaqaalaha kor loo qaaday.
https://i0.wp.com/hubaalmedia.net/wp-content/uploads/2015/01/Samaale1.jpg?resize=574%2C395
Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa uga mahad celiyey dhamaan shaqaalaha ka hawlgala kastamka Berbera oo ah laf dhabarta shaqaalaha wasaaarada maaliyada, waxa kale oo uu wasiirku u mahad celiyey cashuur bixiyayaasha iyo hay’ada dawlada ee gobolka saaxil, gaar ahaan Dekeda Berbera, ciidanka Booliska, Dawlada hoose Haamaha Berbera iyo Hawl-wadeenada baanka berbera wuxuuna ku Booriyey wasiirku madaxdii halkaas uu kula kulmay in si wada jira loogu guntado sidii kutalagalka dakhliga 2015 looga midha dhalin lahaa.
 https://i0.wp.com/hubaalmedia.net/wp-content/uploads/2015/01/Samaale.jpg?w=696
Gabagebadii wuxuu wasiirku kormeer ku soo sameeyay dhamaan xafiiisyada dawlada ee degmada Berbera sida Xafiiska gudoomiyaha Gobolka saaxil, dekeda Berbera gaar ahaan qaybta hada lagu daray, haamaha Berbera, Dawlada hoose ee Berbera, xafiiska cashuuraha Beriga, xafiiska xisaabaadka iyo Laybareeriga cusub ee laga hirgeliyey Gobolka saaxil gaar ahaan degmada Berbera.
https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2015/01/samaa.jpg?resize=575%2C383
Wasiirka iyo weftigiisa ayaa laga yaabaa inay kormeer ku maraan dhamaan Goboladda Dalka, iyagga oo doraad ka bilaabay Abaarso iyo Kalabaydh.
 https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2015/01/samaa2.jpg?resize=570%2C380
 
Berbera news/Berbera.