Xisbiga UCID Oo Xukuumadda U Soo Jeediyay In Arrinta Suldaan Wabar Ay Guurtidu Dhex-dhexaadin Ka Gasho

Boorama (Berbera news) Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo u soo jeedinayay in arrinta Suldaan Abubakar Cilmi Wabar loo saaro Golaha Guurtidda si ay wadda-hadal xal ah ugu dhameeyaan.

Cabdirashiid Xasan Mataan oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Boorama ayaa waxa kale oo uu sheegay in Guddida doorashooyinku aanay ilaa hadda arrimaha doorashooyinka kala hadlin Xisbiyadda Siyaasadda.

“Xukuumada waxaan leeyahay wax nabad-gelyo darro ah oo Ciidamo lugu xojiyaa ma yaalaan Gobalka Awda, Suldaanka baxayna in arinkiisa loo dhiibo Guurtida ayaan soo jeedinayaa loona fidiyo gogol-nabadeed.

Cabdirashiid Xasan Mataan, waxa uu intaas ku daray “Tabashadu waxa jira ayay ahayd, waxa Madaxtooyada dhexdeeda lagaga hadlay ayay ahayd, waana wax wali aan jawaabteedii la helin oo taagan. Madaxweynuhu jawaabtaa uu ka bixiyay tii meesha taalay ahayn, Suldaanka in loo furo Gogol-nabadeed oo Guurtidu kow ka tahay ayaa ku soo gunaanadayaa hadalkayga”

 Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Gudidda Doorashiiyinka qaranka oo xilkii la wareegay muddo ku siman bil ka hor,deg-degsiyaha ay lahayad darted beeshii Caalamkee ee inaga caawinaysay doorashooyinka maalintii ay xilka la wareegeen maalintii ku xigetaya waxa ay u qaadeen tababar ay ku maqnayeen in ku dhow laba todobaad oo ay imikan ka soo noqdeen in ku dhow sadex todobaad ka hor. Waxaan sheegayaa ilaa hadda waxa dhaq-dhaqaaq ah iyo waxa tallo ah oo ay Axsaabta ugu yeedheen aanu jirin ,waxaan xasuusiyanayaa wakhtiga doorashooyinku in uu cidhiidhi yahay, waxaan xasuusinayaa inay lagama maarmaan tahay in ay ka haw galaan hawshii loo soo doortay iyo wixii kaga xidhan axsaabta ay kala tashadaan, waxaan aan ka sugaynaa in ay sida ugu dhakhsaha badan ay nugu yeedhaan oo aan wakhti kale oo badan naga sii lumin.” Ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Berbera news/Boorama.