Al-shabaab oo digniin culus soo saartay

Muqdisho(Berberanews)-Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ay ka fuliyeen Muqdisho shalay ay ku dileen sideed askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Sh. Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkooda ay la beegsadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo lagu magacaabo Alpha Group, kuwaasoo oo uu sheegay inay ka dileen toddoba askari oo ciidamadaas ka tirsan iyo sarkaal uu uu sheegay inuu hoggaaminayay.cali-300x160

“Howlgalkaas wuxuu ahaa mid aan la beegsannay ciidamada Alpha Group loo yaqaanno, kuwaasoo marayay meel ku dhow Afasiyooni, waxaana suuro-gashay in lagu qaarijiyo toddoba askari oo ciidamadaas ka tirsan iyo sarkaal hoggaaminayay,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab ayaa intaas ku daray in howlgalkaas oo uu sheegay inay hadafkoodii ka gaareen ay fuliyeen xoogaggooda ka howlgala Muqdisho, isgaoo sheegay in sideeddaas askari ee ay dileen ay ka mid yihiin kuwa xarigga iyo dhibaatada ku hayay shacabka ku nool Muqdisho.

“Muslimiinta Muqdisho ku noon wixii maanta ka dambeeya way ka raaxeysan doonaan. Haddii uu cadowgu ay moodaan inay muslimiinta Soomaaliyeed ku dhibaan waxaanan u sheegaynaa inaysan jiri doonin meel ay nooga nabad-geli karaan oo aan ku beegsan doonno meel walba oo aan ku aragno,” ayuu Sh. Cali Dheere hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadlaya afhayeenka Al-shabaab ayuu wuxuu hadalkiisa raaciyay in Shacabka Muqdisho uu ugu bishaareynayo inaysan jiri doonin meel ay kaga nabad-geli doonaan wuxuu ugu yeeray cadowga muslimiinta, hadafkooduna uu yahay inay difaacaa muslimiinta.

“Shacabka Muqdisho waxaan ka dalbanaynaa inay noosoo sheegaan meeshii ay galaan cadowga, sidoo kalena waxaan idin ka codsanaynaa inaad wiilasha aad dhasheen kala hartaan, haddii kale waxaa la idiin keeni doonaa iyagoo mayd ah,” ayuu yiri afhayeenka guud ee Al-shabaab.

Ugu dambeyn, wuxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay inay dagaalkooda sii  wadi doonaan inta ay ka dhimanayaan ama ay guuleysanayaan, wuxuuna ku daray intaas inay xoojin doonaan beegsiga ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa kale ee dalka ku sugan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraxaas uu fashilmay ayna ku dhinteen afar ruux oo shacab ah, iyadoo afhayeen u hadlay wasaaradda amniga Soomaaliya uu sheegay in gaarigaas ay muddo ku raad-joogeen ka hor intii aanu qarxin