Lubnaan oo shuruud ku xidhay qaxoontiga ka cararay dagaallada Syria

Bbc-(Berberanews)-Dowladda Labnaan ayaa samaysay sharci cusub oo looga baahan yahay viso dadka Suuriyiinta ee soo galaya Labnaan. Markii ugu horaysay, Suuriyiinta waa inay haystaan dokumenti ay tusaan sababta ay xudduuda uga soo gudbayaan.

Wakiil ka socda hayadda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee Labnaan (Ron Redmond), ayaa BBC u sheegay inuu ka walaacsan yahay in dadka dagaalka Suuriya ka soo carararaya inay heli waayaan gargaarka caalamiga.150105103647_lebanon_refugee_512x288__nocredit

Wuxuu sheegayaa in Labnaan ay u baahan tahay caawinaad caalami ah si ay u kaalmayso qaxootiga.

Labnaan ayaa waxaa jooga in ka badan hal milyan oo Suuriyiin ah. Dadka tirada badan ee ka soo galaya Suuriya ayaa dhalisay cabsi ah inay badasho dadka reer Labnaan ee kala haysta diimaha kala duwan si keeni karta dagaal sokeeye