Shirkad ka mid ah kuwii Berbera laydhka u shidi jiray oo war-saxaafadeed soo saaray

Berbera-(Berberanews)-War-saxaafadeed-“Sida aan wada ogayn korontada Berbera xiligii dalka lagu soo noqday waxanu abuurnay shirkado kala jaad jaad ah oo magalaada korontada u shidi jiray , in muddo ah oo aanu shidaynay ka dib waxanu garanay in magaaladda laydhka lagaga haqab tiri karo annaga oo midoowna , waxaanu aasaasnay shirkad lagu magaacaabi jiray BEE oo loo soo gaabiyay BERBERA ELECTERIC ENTERPRICE shirkadaas oo anagoo ganacsato dhawr ah aanu lahayn oo mudo ku dhow 16 sanadoodna laydhka magaalada berbera u shidaynay.,

10922932_615178331943682_1801383449_o

Dawladda Somaliland xiligii madaxwayne daahir riyaale kaahin ayay dawladaasi samaysay wershadda laydhka berbera , xiligaasi ganacsatdayadii abuurtay iskaashatada ee berbera u shidi jirtay laydhka waxa lagu qiimeeyay lacagtii mudadaasi naga gashay horumarinta korontada berbera lacag dhan 2700000 $ oo dollarka maraykanka ah oo ay dawladdu noo ballan qaaday in nala siin doono, is jiid jiidasho badan oo ay soo martay sidaanu lacagtaasi u heli lahayn waxba kumanaan helin balan qaadkiina wuxuunbuu noqday wali , barri iyo saa danbe

Muddo ka dib shirkadaas BEE mulkiilayaasheedi oo dhan waxa nala siiyay wax aan u dhigmin wixii aanu filaynay tilmaamaysayna inay ahayd masaariif , annaga oo maal iyo duunyo wixi aanu lahayn wali naga maqanyahay oo aanaan wali hellin cid noo garowdo oo xaqayagii danta umadda awgeed aanu uga dhaqaaqnay na siisa , wali waxaanu ku niyad samayn inaanu maalin uun heli doono cidd garata xaqqa iyo martabadda aanu mudannahay , iyo abaalkii aanu ku lahayn horumarinta laydhka magaaladda gudda, laydh la,aanna aan la gaadheen guulo waawayn oo maanta ummadu gaadhay

Nasiib darro waxaanu maqalnay in laydhkii annaga nalaga qaaday ka ganacsigiisa oo hantidayadii loo burburiyay in maanta warshaddii xiligaas la dhisay lagu wareejinayo is kaashato madax banaan , waxaanu u sheegaynaa cid kasta oo maanta rabta inay laydhkaas cid gaar ah ku wareejiso in annagu aanu nahay cidda xaqa u leh in lagu wareejiyo , annaga oo isku tuhmayna khibrada , iyo in aanu cid walba hawshaas uga farro dhuudhuubannahy , xaq noqonmayso yeelinna mayno in cid aan annaga ahayn faraha loo galiyo , ma garanayno micnaha ay leedahy in muwaadin wixii uu ka ganacsanayay laga qaado mid aklena loo dhiibo

Wali maanaan helin garawshiyihii iyo gartii aanu is lahayn waa la idin marin donaa tanina waxaanu u arkaynaa uun xaq darro kale oo nalagula kacay , waxaanu uga digaynaa cidda bixisa ama cid kale siisa warshadda laydhka berbera inay iyagu tunka u ridan donaan wixii cawaaqib xuma ah ee ka dhasha

BAQAAN WAXA DIRAYAA SAAMI LAYDA KALA AH

1. ISMAACIIL DAAHIR KAAHIN
2. ABDI ABDILAHI YAASIN
3. MOHAMED ABDI JAMA