“Qurbejoogu Qabiil kasta oo Soomaaliyeed dhibaatay ku hayaan..” Boqor Buurmadow

Hargeysa(Berberanews)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow, oo ka tirsan Madaxdhaqameedka Somaliland ayaa Madaxweyne Siilaanyo kula taliyay inaanu wax go’aan ah ka soo saarin xaaladda ka taagan Gobolka Awdal.
Boqor Buur-madow oo isagoo ku sugan Dubai la hadlay Wargeyska Somalilandtoday, ayaa sheegay in Suldaan Wabar yahay Nin geed hoostii jooga islamarkaana aanay garab taagnayn Shacabka Reer Awdal. Waxa uu sheegay in qurbe joog tiro yari Ninkaasi ku qalqaalinayso Mawqifka uu qaatay, sidaasi darteedna ay haboon tahay inaanay Xukumaddu buunbuunin Ninkaasi .boqor
“Arrinkan Niman qurbejoog ah ayaa iska wata, Qurbejooguna Qabiil kasta oo Soomaaliyeed dhibaatay ku hayaan,inta hunguriga xun leh ee meel kasta sidaas xun wax u raadinaysaana waa Qurbejooga ama kuwa reerahayaga ha ahaadeen ama kuwa reeraha kale ha ahaadeena Qurbejooga ayaa dalka dhibaato ku haya” ayuu yidhi Boqor Buur-madow oo ka hadlay arrinta Suldaan Wabar
Boqorku wuxuu Xukumadda iyo Madaxweynaha u soo jeediyay in la dhegaysto tabashada Awdal “Anigu waxaan leeyahay Arrinta Awdal, Salaadiinta Maskaxda ku talinaysa ee Nabada ku talinaysa ee garanaysa dagaalku wuxuu yahay iyo dhibaatadiisa garanaysa waa in Madaxweynuhu la fadhiisto. Xildhibaan Axmed-yaasiin oo kale waa Nin Qiimo leh oo nabada aad uga soo shaqeeyay oo Ixtiraam badan leh, Cabatinkiisa oo kale in la dhegaysto waa gar”
Dhanka kale Boqor Buur-madow waxa uu uga digay Madaxweyne Siilaanyo inuu wakhtigan wax talaabo ah ka qaado tabashada reer Awdal “Waxaan qabaa in Xukumaddu dadka wixii wax tabanaya wax u qabato oo Dhalinyarada iyo ardayda shaqo loo abuuro oo Saamiga Beelaha la isku dheeli tiro laakiin, ma noqonayso In Hanjabaad ay wax ku fuliso.
Imika dadka leh Go’aan Madaxweynuhu ha soo saaro, Xaaladdan oo kale waxaan qabaa inaanu go’aan soo saari Karin, hadduu soo saaro waxa weeye Go’aan fulaynimo ah oo Cid waliba ku baranayso oo cid walba ku dhiiri galinaysa inuu Suldaan waliba baxo oo Suldaan waliba Awood doono. Haddii cid wax laga dhegaysanayo Salaadiinta reer Awdal ee nabada ka talinaysa hala dhegaysto oo kuwaas wax ha lala wado laakiin, waxaan qabaa Ninkani(Suldaan Wabar) Nin Waxba qaban kara maaha, Siilaanyo iyo Xukumaddiisa waxaa laga rabaa inay Somaliland isku hayaan, inay adayg iyo raganimo isticmaalaan ama xilka iskaga degaan laakiin haddii ay dad hanjabaad wax ku qabanaya noqdaan taariikhdoodu way dhimanaysaa Somaliland-na iskuma hayn karaan” ayuu yidhi Boqor Buur-madow.
Boqor Buur-madow, ayaa ku taliyay inaan la dhegaysan Ninka Buuraha galay islamarkaana Itoobiya aanay ogolaanayn inuu dalkeeda dhibaato ka soo abaabulo.
Hadalka Buur madaw ayaa ku soo beegmaaya xili xaalada Gobalka Awdal sii Cakirmayso iyada oo Dabayaaqadii Todobaadkii horena uu madaxweyne Siilaanyo ka soo saaray dhawaaq uu ugu digay Suldaan Wabar.