Wasiirkii hore ee maaliyadda oo daaha qaadday faddeexado musuqmaasuq iyo luunsi

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa wareysi uu siiyey Telefiishanka Universal kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay musuqmaasuq uu sheegay in Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin uu ku kacay mudadii uu xukunka hayey.

Maxamed Xaashi Cilmi, waxa kale oo uu ka hadlay habka ugu wanaagsan ee shaqo abuur loogu samayn karo dadweynaha reer Somaliland oo uu tilmaamay inay waajahayaan baahi ka dhalatay shaqo la’aanta.Maxamed-Xaashi

Maxamed Xaashi Cilmi, oo ugu horeyn ka hadlaya musuqmaasuqa Daahir Rayaale uu ku eedeeyay iyo natiijo ay soo saareen Guddi ay hore xukuumadda talada haysaa ugu saartay inay soo eegaan dakhligii iyo kharashkii xukuumaddii Daahir Rayaale mudadii ay xilka haysay ay isticmaashay, ayaa yidhi “Markii guddidii loo saaray kala jartay kharashii iyo dakhligii xukuumaddii Daahir Rayaale ku baxay intii ay dalka xukumaysay waxa dheeraad ku noqday boqol iyo 22 Milyan, haddana wax alaale iyo wax loo raacey ma jirto oo waalla saamaxay, yaa Saamixi kara xoolo umadeed oo la lunsaday”

Maxamed Xaashi, waxa uu arrintaasi ku canaantay baarlamaanka iyo xukuumadda “Baarlamaankii kama hadal, xukuumaddii kama hadal, Madaxwaynuhuna wuxuu yidhi aynu saamaxno (ku Saamaxno boqol iyo 22 kaa Milyan)..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Daahir Rayaale waakaa Paris degay, isagoo faqiir ah ayuu inoo yimid ee ma isagoo Faqiir ah ayuu Paris degi lahaa, sow xoolihii dalka wax loogu qaban lahaa maaha wuxuu Paris ku degay”.

Wasiirkii hore ee Maaliyaddu waxa kale oo uu ka hadlay shaqo la’aanta dalka ka jirta “Dalka baahi weyn ayaa ka jirta, markaa waa in shaqooyin la abuuraa, marka shaqooyin la abuurayana waa in ka dhimaa kharashka baxaya, 47 Wasiir uma baahnin oo 30 ayaynu ka sii dhimi lahayn haddaynu doonayno inaynu dhaqaalaha kobcinno, 1140 Caaqil uma baahnin” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray inaanu is casilin ee xilka laga qaaday markii ay isku siyaasad noqon waayeen Madaxwaynaha “Ismaan Casilin ee waalla I eryay, waxaana la ii eryey waxaanu noqon waynay isku siyaasad, waayo anigu waxaan doonayey inaan dhaqaalaha (Soo dhiso) oo dadka hoose wax loo kordhiyo”

Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu soo bandhigay qorshe uu ku doonayey inuu kor ugu qaado Mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan ee Somaliland “Sanadka 2012-ka waxaan kordhinayey 30%, sanadka 2013-ka waxaan kordhinayey Mushaharka 25%, sanadka 2014-ka waxaan kordhinayey 25%, sanadka 2015-kana waxaan doonayey inaan kordhiyo 100% kordhiyo Mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada, markaa qofka shaqaalaha ah ee heerka D ee qaata $ 26 dollar, wuxuu mushaharkiisu gaadhi lahaa $ 127 doolar….”ayuu yidhi.

Somalilandtoday