Wiil uu dhalay Marxuum Cigaal oo sheegay dad damac ka galay dhulka aabihii ku aasanyahay

Dubai-(Berberanews)-Cali Maxamed Xaaji Ibraahim, oo ah wiil uu dhalay Alle ha u naxariistee Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa ka hadlay dhulka uu ku aasan yahay Aabihii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, kaasi oo uu sheegay inuu markiisii hore lahaa Awowgii (Marxuum Cigaal aabihii).cali-maxamed-cigaal

Cali Maxamed Xaaji Ibraahim oo isaga oo ku sugan dalka isku tagga imaaraadka Carabta la soo xidhiidhay Wargeyska Somalilandtoday ayaa tilmaamay in loo soo sheegay in Madax-dhaqameed doonayaan inay qaybiyaan dhulka uu ku aasan yahay Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Marxuum Cigaal, waxaase uu sheegay in aanay jirin cid aan isaga ahayn oo awood u leh inay dhulkaasi qaybiso ama bixiso.

Cali Maxamed Xaaji Ibraahim oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dhul uu Awawgay (Xaaji Ibraanim Cigaal) lahaa oo uu ku aasanyahay Aabahayna ayaa la sii soo sheegay in niman cumaammad reer qaatay ay doonayaan inay qaybiyaan, dhulkaasna cid aan aniga ahayn oo qaybin kartaa ma jirto, waayo aniga ayaa carruurta ugu wayn.

Cali, waxa uu u Mahad-naqay qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda Somaliland oo hore uga shaqeeyay inaan dhulkaasi la faro-gelin “Waxaan mahadnaq u jeedinyaa raggii dawladda ku jiray ee arrinka dhex galay markii hore, iminkana waxaan leeyahay arrintaas inta aan imanayo yaanay wax la qaybiyaa jirin oo arintaas ha la isaga yimaaddo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey “Cid halkaas (Berbera) joogta oo awood u leh inay dhulkayaga bixisaa ma jirto.