Xubnihii ka soo horjeeday Shirweynihii Solja iyo Hoggaanka cusub oo heshiis gaadhay

Hargeysa-(Berberanews) – Labadii Garab ee Ururka SOLJA ugu kala jabay shirweynihii ururkaasi ee ka dhacay 24-kii bishii hore ee December 2014-tii, ayaa maanta heshiis dhinac ka raran oo ka kooban 9 qodob ku gaadhay magaalada Hargeysa.
Nuxurka Qodobada Heshiiskan ayaa dhigaya in garabkii aan ka soo qaybgalin shirkaasi SOLJA la siiyo Agaasimaha Guud ee Ururka, iyaguna ay aqbalaan hogaanka ururka SOLJA ee lagu doortay shirkaasi ka dhacay Ambassador, si loo ilaaliyo midnimada iyo wada-jirka SOLJA.Solja
Heshiiskan oo si rasmi ah aan loo shaacin balse nuqul ka mid ah uu helay Radio Hilaac ayay ayaa waxa u kala saxeexay Gudoomiye ku xigeenkii ururkaasi SOLJA, Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) iyo Gudoomiyaha Cusub ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).
Nuxurka 9-ka qodob ee maanta la kala saxeexday ayaa u dhigan sidan:

Heshiiska Labada Dhinac Ee Ururka SOLJA
06/01/2015
Hogaanka Ururka SOLJA iyo Dhinicii Ka Maqnaa Shirkii Ururka SOLJA waxay isla qaateen Qodobada Heshiiskani oo lagu soo afjaray khilaafkii ka jiray guud ahaan ururka SOLJA ka dhashay.
1. In Garabkii shirka Ambassador ka dhacay aan ka soo qayb galin ay qabaleen Hogaankii lagu soo doortay shirkaasi, si loo ilaaliyo midnimadii iyo wada-jirkii ururka SOLJA.
2. In Wixii Tobobaro, Waxbarasho, Qasho iyo Furadaha soo baxa loo sinaado.
3. In Hogaanka cusub ee ururka SOLJA hirgaliyo dhmaystiro xaruntii ay bilaabeen hogaankii hore, iyadoo loogu magacdarayo Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax.,
4. In Hogaanka Cusub bilaabo dib u heshiisiin buuxda oo la iska saamaxo wax wal oo hore u dhacay, nooc kasa oo uu ahaa.
5. In hogaanka ururka SOLJA si siman u ilaaliyo, Suxufiyiinta, Warbaahinta Dawliga ah iyo kuwa Madaxbanaan, si waafaqsan Dastuurka Ururka SOLJA iyo Xeerka Saxaafada Somaliland ee Lr.27/2004.
6. In Garabka aan shirka ka qayb galin la siiyo Agaasimaha Guud ee Ururka SOLJA, iyadoo la waafajinay inuu buuxiyo shuruudaha shaqadiisa looga baahan yahay.
7. In Xaflada Xilwareejinta laga shaaciyo qodobada heshiiskan.
8. Heshiiskani waxa uu burayaa marka labada dhinac mid ka midii ka baxo qodobada heshiiska.
9. Heshiiskani waxa uu dhaqan galayaa marka labada dhinac ay wada jir u saxeexaan. Hadii aanu nahay labada dhinac ee ku midaysan ilaalinta iyo jiritaanka ururka Suxufiyiinta Somaliland waxaanu si mug leh u waafaqsanahay qodobada heshiiska isku soo dhaweynaya wadajirka guud ee SOLJA.

Dhinaca koowaad:
1: Maxamed Cabdi Guuleed (Curad),
Gudoomiye Xigeenkii hore Ururka SOLJA

Dhinaca Labaad:
1: Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto),
Gudoomiyaha Ururka SOLJA

Markhaatiyaal:
1: Farxaan Cali Axmed
Gudoomiyaha Horn Cable TV
2: Maxamed Cabdi Ilig
Agaasimaha Guud ee Horn Cable TV