“Ayaan-darradu waxay tahay in Xukuumadda Somaliland ee miciinka mooddey ka-aammuska dhacdooyinka xaasaasiga ah ee Qaranimad” Waddani

War-saxaafadeed: “

Beryahanba waxa ka socdey meesha la yidhaahdo Siimoodi ee ku taalla Gobolka Awdal, hawlo macdan-qodis ah. Sida goobo badan oo dalka ka mid ah, muddo dheer ayaa meeshaasi laga sahaminayey macdanta oo ay hodon ku tahay.Waa xilliyo ku sinnaa tan iyo intii uu dalka ka talinayey nidaamkii Siyaad Barre.

Dhowaan ayay xukuumadda Somaliland heshiis la gashay shirkad Shiine ah oo la yidhaahdo ARC, si ay macdan uga qoddo goobtaas hodonka ku ah ee Siimoodi. Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dawladda Federaalka ah ee Somaliya ayaa soo saartey amar ay ku dalbanayso in shirka ARC ee Shiinaha ahi ka baxdo Barta macdanta laga qodayo ee ku taalla Siimoodi, Gobolka Awdal.xisbiga-Waddani

Qoraalkaa Rasmiga ah ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya wuxuu soo baxay 7/1/2015ka. Qoraalkan oo si baahsan loo faafiyey waxa la siiyey hay’adaha caalamiga ah, iyadoo lagu ogeysiinayo inaan bartaa laga qodi karin wax macdan ah. Intaa waa ay kasii durkeen, oo labada Wasiir ee Batroolka iyo Khayraadka Macdanta iyo ka Arrimaha Debedda ee Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya  ayaa ka dalbaday Safiirka Shiinaha ee fadhiya magaalada Muqdisho, in shirkaddaasi joojiso macdan-qodista ay ka waddo barta Siimoodi, isla markaana ay ka baxdo Somaliland.

Intaasi waa wixii dhacay 7/1/2015ka. Ilaa immika wax war ah oo rasmi ah ama fal-celin ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland ma jiro.

Annaga oo ku hadlayna afka rasmiga ah ee Xisbiga WADDANI, waxaanu war-saxaafadeedkan ku caddeyneynaa in ay dhacdadani tahay mid aad u dhaawacaysa qarannimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Gobollada iyo Degmooyinka Somalilandna waxa ka taliya Xukuumadda Somaliland, waxana iska leh dadka reer Somaliland.

Ayaan-darradu waxay tahay in Xukuumadda Somaliland ee miciinka mooddey ka-aammuska dhacdooyinka xaasaasiga ah ee Qaranimada Somaliland dhaawacayaa inay wada-hadal kula jirto Xukuumadda sidaa u dhaqmaysa.

Intaas oo keli ah ma aha. 3/5/2014kii Xukuumadda Somaliland waxa Hargeysa marti ugu ahaa 50 oday oo Xamar laga soo marti-qaaday oo suuqyada la meereysanayey midnimada Soomaaliyeed, nimankaas oo ay si heer sare ah xukuumaddu u marti-gelisey dalkana aan kusoo gelin ‘Passport iyo Visa’.

Xukuumadda Somaliland waxay ku mashquulsan tahay sidii ay lacag uga samayn lahayd khayraadka dabiiciga ah ee dalka ku duugan, iyada oo aan meeris u tolin qaddiyadda ictiraaf-raadinta. Arrimaha ay ku hawlan tahay xukuumaddani, saddexba aad ayay uga muuqdaan: Dhoof, Dhaqasho iyo Dhar-xidhashaba.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo aynu ka wada-hadleyney sidii aynu u kala guran lahayn, ee aynu laba dawladood u kala noqon lahayn, ayaa waxay taagan tahay inay inagu qabsato oo ay weliba caalamka inagaga ashkateyso wax-ka-qabashada baylahda dalkeena taalla.

Taasina waxay ku tusaysaa danayn-la’aanta iyo is-yeel-yeelka Xukuumadda Somaliland ee aanay is-lahayn waxa ay dadka u sheegeyso iyo xaqiiqada dhabta ah ee saaxadda siyaasadeed ka jirtaa.

Abwaankii WADDANIga ahaa ee Timacadde geeraar uu lixdankii tiriyey ayaa waxa ku jirey, tuduc ahaa:

“Maalintaan gacan qaado,

Een wax garaac is-idhaahdo,

Hadba laan ma gammuuree,

Geedku hays wada raacee

 Gun hoosaan ku simaa.”

Sidaa Timacadde geeraarkiisa ugu tilmaamay waxa inala gudboon in aynaan hadba laan garaacin ee aynu geedku hays wada raacee gunta hoose ku sinno. Waxba yaan waqtiga la dheerayn wada-hadalladuna sii jiitamin ee xukuumadda Somaliland waxay ku qasban tahay kol haddii xaalku halkaa marayo inaanay ka hadlin wax kale oo aan ahayn madaxbannaani iyo laba dawladood oo jaar ah oo is aqoonsan.

In ay muddada wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland dheeraato labada dhinacba dan uma wada aha. Wada-hadalladaa dheeraanayaa waxay dan u yihiin Soomaaliya, bal se Somaliland wax dan ahi uguma jirto. Waxa markhaati u ah maah-maahdii Mudane Cabdikariim oo La-taliye u ah Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, markii war-murtiyeedkii wada-hadalladii Jabuuti ka socdey la soo saarey ee iyada oo ay labada wafti iyo dhex-dhexaadiyeyaashiiba isu dhan yihiin uu lahaa: “Dumaal nin ka xishooday kama ilmo-dhalo.”

Ugu danbeyn, waxanu shacbiga reer Somaliland ku boorrinaynaa inay feejignaadaan, oo ay ilaashadaan madax-bannaanidooda aan dhayalka ku iman bal se dhiiggu ku daatey.

Waxanu beesha caalamka iyo hay’adaha ay khuseysoba ogeysiineynaa in aanay suurto-gal ahayn inay wada-hadallo socdaan iyada oo ay joogto tahay isla markaana noqon doonto fara-gelintan aan loo meel-deyini.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI

Md. Boobe Yuusuf Ducaale