Madaxweynaha Jabuuti oo Iftiimiyey xogo dheeraad ah oo la xidhiidha wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya

“Wixii kale (wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya) xilligeeda ayuun bay soo bixi doontaa oo waad iska yar sugaysaan”

“Wuu dhawyahay oo heshiisku wuu iska iman doonaa….waxa loo baahanyahay inay jewi fiican, walaaltinimo iyo wadahadal nin weliba aragtidiisa sheegi karo wixii isku keenaya iyo wixii kala kaxaynaya”

Jabuuti (Berberanews)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa iftiimiyey inay jiraan xogo aan warbaahinta loo sheegin oo la xidhiidha natiijada wadahadalkii u dambeeyey ee Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya – Axmed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ku wadayeesheen dalka Jabuuti.geele1

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu caddeeyey in ay jiraan waxyaabo qarsoodi ah oo aan saxaafadda loogu talogalin, kuwaas oo warkooda la maqli doono xilligooda, isla markaana heshiis labada dhinac wadagaadhaan iman doono mustaqbalka.

Sidaasina waxa uu ku sheegay waraysi dheer oo ay la yeelatay laanta Afka Soomaaliga ah ee idaacadda codka Maraykanka ee VOA-da shalay, kaasi oo ugu horreyn lagu waydiiyey sida ay isaga ugu suurtogashay inuu isku keeno labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu ku jawaabay, “Cadaawadi ma jirto oo waa dad af, diin, jaarnimo iyo aqoon intuba ay kulminayaan, horena wadahadalladu waxay uga dhaceen Turkiga oo ballan iyagu ay qaateen oo ay door-bideen inay Jabuuti isugu yimaaddaan ayey ku timi. Markaa annagana sharaf ayey noo tahay, iyagana in haddii aannu waxtari karno tarno, jewiguna wuxuu ahaa mid aad u fiican.”

Su’aal la waydiiyey oo u dhignayd, ‘Marka laga tago wixii warbaahinta loo sheegay ee ahaa in wadahadallada la sii wadayo oo mar kale la isku arkayo dalka Turkiga, adiga iyo labada madaxweyne qol baad isku soo xidhateen, maxaad nala wadaagi kartaa oo saddexdiina idin dhexmaray? Waxa uu kaga jawaabay, “Wixii aannu isla garanay in warbaahinta loo sheego waanu sheegnay, wixii kalena xilligeeda ayuun bay soo bixi doontaa oo waad iska yar sugaysaan.”

Weriyuhu waxa kaloo uu waydiiyey in tixgelinta ballaadhan ee dhinacyada Soomaalidu u hayaan Madaxweyne Geelle inuu ku cadaadin karo madaxda Somaliland iyo Soomaaliya inay heshiis gaadhaan, waxa uu yidhi, “Wuu dhawyahay oo heshiisku wuu iska iman doonaa, laakiin waqtiga dadku kala maqanyahay mar haddii ay aad u dheertahay maalin qudha lama gundhin karo ee waxa loo baahanyahay horta inay jewi fiican, walaaltinimo iyo wadahadal nin weliba aragtidiisa sheegi karo wixii isku keenaya iyo wixii kala kaxaynaya oo tallaabooyin in la soo qaado ayaa loo baahanyahay, taasna way ku jiraan oo iyaguna way aaminsanyihiin inay wadahadallada sii wataan.”

Mar kale waxa la su’aalay sababta loogu baahanyahay in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya lala tago dalka Turkiga iyo doorka dawladdiisa Jabuuti ku leedahay sii socoshada wadahadalkan, waxaannu ku jawaabay

“Baaq hore oo jiray oo sii xidhnaa daraadii ayaa loo tagi doonaa Turkiga, wixii taa ka dambeeyana iyagaa ka tashan doona.”

“Wax allaale iyo wixii nalooga baahdo oo dhan annagu diyaar baanu u nahay, hadalku meelaha uu nooga bannaanyahay markay joogtu waanu nidhaa, waanuna odhan doonaa sida aannu u arkayno, marka ay iyaguba toos isku helayaana inay si caqli ah u wadatashadaan way ka sii fiicantahay.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu waraysigan kaga hadlay arrimo fara badan oo dalkiisa la xidhiidha oo uu ka mid yahay heshiiskii dhawaan dhexmaray mucaaradkiisa iyo xaaladda Soomaaliya oo uu rajo beel ka muujiyey in doorasho xalaal ahi ka qabsoonto sannadka 2016-ka sida hore loogu qorsheeyey.

“Aad baan isku leeyahay malaha taariikhdaasi waa lagu degdegay (doorasho ka dhacda Soomaaliya sannadka 2016), dhismaha federaalka ayaa lagu gudo jiraa iminka, diiwaangelintiina ma dhawa oo waqtigiisii ma joogo, nabadgalyadii meelaha qaarkood inyaryar bay halis ku jirtaa, waan dadaalaynaa, laakiin waqtigaasi inuu cidhiidhi yahay bay nafdaydu doonaysaa, haddii loo baahdo waa la kordhin doonaa uun aniga sidaas bay ila tahay, markaad eegto wixii loo baahnaa waddanku inuu yeesho dawlad iyo baarlamaan qaaciidadii uu ku dhismi lahaa ayaan weli dhisnayn, sidaa daraadeed, waxay nagu khasbi doontaa in aan laga gaadhsiin doonin, inkastoo dadaal socdo oo dawlad-goboleedyadii la dhisayo,” ayuu yidhi Md. Ismaaciil Cumar Geelle.