Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ka dayriyay dhibaatada ay bulshada ku hayaan Kooxo ka dillaacay magaallooyinka

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa wallaac xooggan ka muujiyay  kooxo dhallinyaro ah oo ka dillaacy magaalooyinka dalka, kuwaasoo dhac, boob iyo kufsiba ka geysta xilliyada habeenkii. “Beryahan waxaa soo baxay oo inagun soo fool-leh dhibaatooyin u baahan in mujtamaca oo dhani ka wada hawl galo.Magaalooyinkeena oo dhan, waxaa ka abuurmay wax la yidhaahdo dhalin yaro Gaangis (gangs) ah,

 “Dhalinyaro xoog leh oo fara badan oo dhinaca qalloocan u dhaqaaqday baa jirta. Waa arrin aynaan dhaqan u  lahayn oo aan ab iyo aabo toona Soomaali iyo Muslim toona u lahayn oo Kufsi wadareed ka mid yahay oo maanta xaafad walba iyo gidaar walba ka taagan” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu tusaale u soo qaatay dhacdooyin u dambeeyay oo Hargeysa ka dhacay “Waxaanu arkaynaa,Magaalooyinkoo dhan inaanu Odaygii  Telefoonkiisa habeenkii la carraabi karayn oo laga yaabo inuu Inankiisii ka amaan waayo. Waxaa dhacda, Hargeysa in Ninka la yidhaa Dr Cali Oo ah ninka Dhakhtarka Shifo sameeyay oo ah Master Qalliinka ah, in isagoo Masaajid ka baxay in Ciyaal is shiidayaa Madaxaa ku dhufteen oo lafta ku jabiyeen. Todobaadkan ayay arrintaasi dhacday iyo waliba Boqolaal la mid ah” ayuu yidhi Muuse Biixi.Muuse-Biixi

Mujaahid Muuse Biixi waxa uu sheegay dhallinyaradan koox kooxda u wada socda ee dhibaatada ku haya bulshada, “Waxa weeye waa la dhayal saday arrintaas,  Qaran ahaan waynu dhayal sanay oo waxa la yidhaa uun Boolisku ha qabteen, hawshaasi Hawl Boolis way ka wayn tahay, waa Aafo soo korodhay oo cid walba ka faa’iidaysan karto. Rag xoog ah, ismaamulay oo Is abaabulay oo sidii Hay’addaha u dhisan oo aan cidna u tudhayn baa soo kordhaya.”



Mujaahid Muuse Biixi wuxuu soo jeediyay in si heer qaran ah loo wajaho arrintaasi “Waxaynu u baahannahay arrintaas, Qaranku wadar ahaan, Goleyaal,Xukumad,Xisbiyo,Culimo iyo ganacsato inaynu talo qaran ka yeelano intayna arrintaasi halkaas dhaafin”

 

Berberanews.com

info@berberanews.com