Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Sweden

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socda dalka Sweden weftigaasi oo uu hogaaminaayo, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Magaalo madaxda Sweden ee Stockholms Mr. lars radh.

DSC_0071
DSC_0069
DSC_0091 (1)
DSC_0078

 

Madaxweynaha oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa weftiga ku soo dhaweeyey dalka ugana mahadnaqay imaatinka ay dalka Somaliland ku yimaadeen, isaga oo madaxweynuhu sheegay inay taasi u sahlayso inay indhahooda ku arkaan horumarka shacbiga iyo xukuumaduba ay ku talaabsadeen mudadii 23ka sano ahayd ee ay madaxbanaanidooda ugala soo noqdeen wadankii la isku odhan jiray Somaliya.

Waxa madaxweynaha ku wehelinaayey kulankaasi Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade, wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maayarka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Mowliid Waris Cabdilaahi.

Ka dib markii shirku soo dhamaaday waxa warbixin saxaafada ka siiyey wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland mudane maxamed biixi, xoghayaha dawlada hoose ee sweden  iyo sidoo kale gudoomiyaha jaaliyada Sweden ee Somaliland zakeriye Xasan wacays.

Halkan ka daawo