Madaxweyne Silaanyo oo ansixiyay dhaqangalka Xeerka Guddida KomishankaQaranka ee xakamaynta AIDS-ka

Hargeysa-(Berberanews)-WAR-SAXAAFAFEEF: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2909/012015 ku dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014
 Madaxweynuhu:-
 
Markuu Arkay:         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Arkay:         Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Arkay:         Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2014 ee
                                    ku taariikhaysan 05/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida
                                    (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.
 Wuxuu Soo Saaray
Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida          (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.
 ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Duhuxul)
     Afhayeenka Madaxtooyada JSL.