Akhriso liiska Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Somalia

Muqdisho-(Berberanews)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa caawa ku dhawaaqay golaha Wasiirada.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in uu wadatashi la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

wasiiro

Xildhibaannada waxaan ka codsanayaa inay meel mariyaan xukuumadda cusub ee aan caawa soo dhisay, waxaana ku jira xubno dhowr ah oo dib loogu soo celiyay hay’adihii ay hayeen, iyadoo aan ka eegnay dhinacyo badan, waxaana ku jira xubno kale oo horleh.

Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa akhriyay magacyada Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 25 xubnood, waxaana ku jira qaar ka mid ah wasiiradii xukuumadii hore.

  1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen
  2. Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Wasaaradda Caddaaladda
  3. Axmed Sheekh Mukhtaar Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
  4. Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
  5. Xuseen Cabdi Xalane Wasaaradda Maaliyadda
  6. Maxamed Sh. Xasan Xaamud Wasaaradda Gaashaandhigga
  7. Cabdiraxman Ducaale Bayle Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
  8. Cabdullahi Maxamed Cali Wasaaradda Amniga Gudaha
  9. Cabdullahi Axmed Jaamac “Ilkajiir” Wasaaradda Waxbarashada
  10. Yusuf Macalin Amiin Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
  11. Maxamuud Cali Magan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
  12. Cabdiqaadir Cabdi Xashi “Gaabane” Wasaaradda Arimaha Dastuurka
  13. Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
  14. Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska
  15. Cabdullahi Sh. Ismaacil Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  16. Maxamed Cumar Caymooy Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  17. Cabdalla Boos Axmed Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
  18. Xuseen Maxamed Sheekh “Badni” Wasaaradda Beeraha
  19. Ducaale Aadan Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada
  20. Cabdiraxman Cabdi Cusmaan Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
  21. Nadifo Maxamed Cusman Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
  22. Khadiija Maxamed Diiriye Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
  23. Maxamed Mukhtaar Ibraahim Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
  24. Daa’uud Maxamed Cumar Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
  25. Abuukar Cabdi Cusmaan “Mardaadi” Wasaaradda Xanaanada
    Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
  26. Saciid Xuseen Ciid Wasaaradda Caafimaadka

Magacyada Wasiiru Dawlayaasha

  1. Cabdullahi Yusuf Alankey Wasaaradda Amniga Gudaha
  2. Maxamuud Hayir Ibrahim Madaxtooyada
  3. Khaalid Cali Cumar Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
  4. Maxamed Adan “Fargeeti” Wasaaradda Arrimaha Dibadda &
    Dhiirigalinta Maalgashiga
  5. Maxamed Cali Xagaa Wasaaradda Gaashaandhigga
  6. Cabdullahi Maxamed Nuur Wasaaradda Maaliyadda
  7. Xasan Maxamed Jimcaale Wasaaradda Arimaha Dastuurka
  8. Burci Maxamed Xamza Wasiiru Dawlaha XRW Arrimaha Bay’adda
  9. Caadil Sheegow Sagaar Xiriirka Baarlamaanka

Magacyada Wasiir Ku-xigeenada

  1. Cabdullaahi Bile Nur Wasaaradda Caddaaladda
  2. Cabdiraxman Kulmiye Xirsi Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
  3. Saacid Xaaji Maxamuud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
  4. Fahma Axmed Nur Wasaaradda Maaliyadda
  5. Cabdalla Xuseen Cali Wasaaradda Gaashaandhigga
  6. Mahad Maxamed Salad Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
  7. Ibrahim Yarow Isaq Wasaaradda Amniga Gudaha
  8. Xaamud Cali Xasan Wasaaradda Waxbarashada
  9. Yuusuf Xayle Jimcaale Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
  10. Sharif Maxamed Xasan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
  11. Xaaji Cali Sh. Maxamed Nuur Wasaaradda Arimaha Dastuurka
  12. Maxamed Kheyrow Maxamed Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
  13. Cabdullahi Colaad Rooble Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska
  14. Xirsi Adan Rooble Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  15. Maxamed Cumar Geedi Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  16. Cabdishakuur Cali Mire Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
  17. Cabdirashid Maxamed Xiddig Wasaaradda Beeraha
  18. Jamaal Xasan Ismaacil Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada
  19. Sacdiya Careys Ciise Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
  20. Cusman Libaax Ibrahim Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
  21. Mumina Sh. Cumar Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
  22. Saciid Jamac Maxamed Qaalib Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
  23. Maxamed Axmed Abtidoon Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
  24. Cabdixakiin Cige Guuleed Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
  25. Dr. Cusman Maxamud Dufle Wasaaradda Caafimaadka