Hargeysa: Booliska oo xabsiga dhigay Weriye ka tirsan wargeyskii dawladdu xidhay ee Haatuf

Hargeysa-(Berberanews)-Ciidanka Booliska ee Magaalada Hargeysa ayaa Xabsiga u taxaabay Wariye Naasir Aaden (Naasir Nawaa) oo ka howl-geli jiray Wargeyska xayiran ee HAATUF.

Ma cadda sababta ka dambeysa xadhigiisa, wax faahfaahin ahna kamay bixin Ciidanka Boolisku ujeedka loo xidhay, hase ahaatee waxa talaabada lagu xabisay maalin uun ka dambeysay, waraysi uu ka qaaday Guddoomiyaha Xidhiidhka Jaaliyada Somaliland ee dibada oo daboolka ka qaaday inay Dacwad ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta u gudbiyeen Maxkamad ku taalla dalka Sweden, taasoo looga dacwoonayo xadhigii wasiirku kula kacay Guddoomiyaha Jaaliyadda Sweden oo Hargeysa yimi.naasir-nawaa



Inkasta oo aanu shaqayn wargeyskii Wariyuhu ka howl-geli jiray, hadana isagu shakhsiyada waxa uu u shaqeeyaa si madaxbanaan, sababtoo ay tahay ma jirto sabab u diidaysa inuu ku shaqeeyo mihnadiisa suxufinimo.

Si cad looma oga in xadhigiisu la xidhiidho Warbixinta Wasiir Cukuse ku lidiga ah, kuna saabsan eeddeymaha loo jeediyay oo ay warbaahinta qaybaheedu daabaceen, hase ahaatee sida ay tibaaxayaan warar hor dhac ilaa hada lama caddeyn cidda ka dambeysa xadhiga Suxufigan.