Saaxil: Gobol ka Madhan Horumarka Dalka

Berbera(Berberanews)-Gobolka saaxil waxaa uu ka mid yahay gobolada Somaliland ugu faca-weyn hadii ay nu milicsano xadaaradii qarnigii tagay waxaa uu ahaa gobolka ganacsi oo ku xidhan dunida khaas ahaan dhulyoowga carabta.

Hadaba magaala madaxda gobolka saaxil ee berbera waa gobolka ugu dhaqaale soo saarka badan wadanka intiisa kale. Taas oo uu gobolku ka helo ganacsiga ka soo dega dekeda.

BL anad Wth  --saskar 1

Gobolka saaxil waxa ku yaala dekeda ugu weyn wadanka iyo madaarka ugu weyn Somaliland

Berbera waa magaalo ka arradan horumarka xaga caafimaadka xaga waxbarashada oo dhamaan adeegyada aas aasiga ah waa qaar ka muuqda laakiin aan tayo badan lahayn oo aanu odhankareyno waxa sidaa dhaxal siiyay waa dadka udhashay gobolka ee masuuliyiinta ah oo aan lahayn hadaf ay wax ugu qabtaan gobolka.



Tan iyo xiligii lagu dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland iyo xukuumadihii ukala danbeeyay marka laga reebo xukuumadii ugu horeeysay ee madaxweynaha uu ka ahaa marxuun cabdirixmaan axamed cali (c/rixmaan tuur) oo wadanku markaa lahayn nidaam kale danbeeyn iyo kaabayaasha dhaqaale oo liitay mooyaane.

Xiligaa aanu soo sheegnay waxii ka danbeeyay waxaa unkamay adeegyadii dawladnimo kaabayaashii dhaqaale .

Aan usoo daadego tuducda qoraalkeyga waxaa dekada berbera masuul looga dhigaa shaqsi qudha oo tiraba dhawrjeer inta laga qaaday hadana lagu soo celiyay ma waxa aanu odhan kareynaa gobolka uma uudhalan qof aqoontiisa oo kale le ama kaba aqoon badan ?

Jawaabtu waa maya ee waxa jira dad ka aqoon badan ka karti badan ka dadnimo wanaagsan ka shaqo wanaagsan laakiin le damiir damqada gobolkana wax uqaban lahaa hadii ay noqoto adeegyada bulshada goobaha dalxiiska waxsoo saarka kheyraadka bada I W M.

Hadaba iyada oo masuuliyiinta laga doonayo waxyaabahaa-ay anu kor kusoo xusnay  ayaa Waxaa baryan bariisaday gobolka saaxil masuuliyiin inta ay dad soo ururiyaan la shir imanaya hebbel ayaa lacaayay heblaayaa la caayay hadaanu nahay masuuliyiinta gobolka xaal ayaanu ka bixineynaa arrintaa iyo hebbelo ayaa ku soo biiray xisbi hebel.

Loogama fadhiyo nimanka masuuliyiinta ah ee gobolka waxaa

Looga fadhiyaa waxqabad muuqda oo gobolku leeyahay iyo wadnka intiisakaleba

Waxaan baaq udiriyaa dhamaan aqoonyahaynka gobolka qurbajooga culmaa udiinka shaqsiyaadka jecel horumarka goblka saaxil in arrintaa loo dhaba galo oo waxlaga qabto lagulana xisaabtamo hadba dawlada qabata talada dalka iyo masuuliyiinta loo soo magacaabo gobolka.

Wabilaahi Towfiiq       

  cabdiqaadir ismaaciil askar     

         askars4@hotmail.com

hargeysa/somaliland