Dawladda Cameron oo sheegtay inay dishay 143 dagaalyahan oo ka tirsan Boko Xaraam

Bbc-(Berberanews)-Dowladda Cameroon ayaa sheegeytay in ay dileen 143 dagaalyahan oo ka tirsan Boko Xaraam kuwaas oo weeraray mid ka mid ah xarumaha dowladda ee ku yaala waqooyiga dalkaasi.

Wasiirka isgaarsiinta ee dalkaasi Issa Tchiroma Bakary, ayaa sheegay in uu weerarkaasi uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Boko Xaraam loogu geysto gudaha dalkaasi.150104135726_boko_haram_promo_624x351_afp

Waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu ciidammada dowladda uga dhintay hal askari.

Milatariga Cameroon ayaa sheegay isniintii in ay iska caabiyeen weerar ay dagaalyahanada Boko Xaraam ku qaadeen xarun ku taalla magaalada Kolofata oo u dhow xuduuda uu dalkaasi la wadaago Nigeria.