Murugada iyo cidhiidhiga nafsiga ahi waxay halis ku yihiin xusuusta

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in dadka inta badan la kulma cidhiidhiga nafsiga ah iyo warwarka badani ay yihiin kuwa ugu tirada badan guud ahaanba dadka la kulma khalkhalka maskaxda waa marka la bar bar dhigo dadka inta badan xaaladooda nafsiga ahi ay caadiga tahay. Xeel-dheerayaasha daraasaddan diyaariyey waxa ay sheegeen in  dadkan diiqadda iyo warwarku bariinsadaan ay khalkhalka maskaxda iyo illowga badan 40 laab uga dhow yihiin dadka caadiga, waxaana inta badan lagu arkaa xanuunka keena Lumista Xusuusta.sorrow

Sida uu sheegay Dhakhtar ka tirsan jaamacad ku taalla gobolka Chicago, “Dadka cidhiidhiga iyo cadaadiska badan la kulmaan xanuunada ku dhacaa ma’aha khalkhalka maxkaxda oo kaliya ee waxa uu dheer is beddelo badan oo ku yimaada nidaamka shaqo ee maskaxda iyo waliba in uu ku dhaco xanuunkani”

Dhakhtarkan oo ka mid ah khubarada diyaarisay daraasaddani waxa uu intaas ku daray, “In dadka aad ula kulma shucuur ka xumaanshiyo iyo Murugo, marka dadka caadiga ah loo eego ay yihiin kuwa ugu badan halista ah in uu ku dhaco xanuunka Xusuus-Lunku (Maskaxda oo qofka maydhanta, waxa aanu illaabayaa dhammaan wixii uu yaqaanay), waxa ay khubaradu arrintan ku sababeeyeen in cadaadiska iyo diiqad gelinta qofka loo geystaa ay wax gaadhsiiso qaybta maskaxdeena u qaabilsan ka jawaabista dhibta uu qofku la kulmo taas oo iyaduna la shaqaysa xasuusta qofka. Waxa kale oo daraasadan lagu sheegay In astaamaha Xanuunkan ay ka mid tahay murugadu. Waxa la filayaa in daraasadani ay noqoto dhabbihii loo mari lahaa helista dawo waxka tarta isku buuqa iyo mashquulka maskaxda.