Ronaldo oo mar kale ku guulaystay laacibka Adduunka

BBC-(Berberanews)-Weeraryahanka kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo, ayaa ku guulaystay ciyaaryahanka ugu laacibsan kubadda cagta adduunka, iyadoo markii labaad ee isku xigta la gudoonsiiyay billada Ballon d’Or-ka.

Kabtanka xulka Portugal ayaa waxa uu ka guulaystay weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo goolhayaha kooxda Bayern Munich Manuel Neuer.

Cristiano Ronaldo ayaa difaacday billadiisa ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida kaddib markii uu ka helay boqolkiiba 37.66% dhammaan codadkii la dhiibtay, sidaasina uu markii saddexaad billaddaasi ku hantiyay.

Ciyaaryahanka xulka Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi – ee horay ugu guulaystay 4 jeer oo isku xigta billadan – ayaa galay kaalinta labaad kaddib markii uu aruursaday boqokiiba 15.76%.

Waxa uu waxyar un ka horreeyay goolhayaha xulka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich, Manuel Neuer oo helay boqolkiiba 15.72%.150112191354_ronaldo_624x351_afp 150112193041_sp_cristiano_ronaldo_624x351_afp

Ronaldo, oo dhaliyay 52 gool 43 kulan oo uu dheelay 2014-kii, ayaa u muuqday mid xamaasadaysan markii uu billada ka gudoomayay ciyaaryahankii hore ee Faransiiska, Barcelona iyo Arsenal, Thierry Henry.

Ronaldo ayaa yiri: “Waxaan jeclahay inaan u mahadceliyo dhammaan dadka ii codeeyay, madaxweynaha kooxdayda, tababarahayga iyo Real Madrid. Waxa ay aheyd sanad aanan hilmaami karin. Inaan ku guulaysto billadan waa wax aad gaar u ah.”

Haweenayda khadka dhexe kaga dheesha kooxda Wolfsburg iyo xulka Jarmalka ayaa ku guulaysatay laacib kubadda cagta ee haweenka dunida, halka ciyaaryahan James Rodriguez uu ku guulaystay billada goolkii ugu qurux badnaa sanadkii la soo dhaafay.