“Shacabka reer Berbera waxaan leeyahay Wershaddii laydhka Berbera waa lala wareegay” Xildhibaan M Cali

Berbera-(Berberanews)-Xildhibaan Maxamed Cali Xaaji Axmed oo katirasan golaha deegaanka degmada berbera ayaa maanta mar uu warbaahinta lahadlay sheegay sheegay in ay gole deegaan ahaan ku fashilmeen waxka qabashadaXaalada cakiran ee warashada laydhka berbera ka taagan, isaga oo xusay in xubno katirsan golaha deegaanka iyo Maamulka Gobolka Saaxil ogolaadeen ku wareejinta shairkada gaarka loo leeyahay Warshada laydhka berbera, Waxaanu Xildhibaanku cod dheer shacabka reer Berbera ugu bayaamiyay in warshadii laydhka Berbera lala wareegay oo shirkada layidhaa Tayo sife sharci daro ah kula wareegtay iayada oo kaashanaysa sida uu sheegay Xubno katirsan golaha deegaanka Degmada Berbera oo aanu magacyadooda xusin iyo Maamulka Gobolka Saaxil, sidoo kale waxa uu Xildhibaan Maxamed Cali Dheere shacabka reer berbera ku dhaliilay sida aanay siwada jira ugaga hor iminin Warshadaooda lala wareegay ee qaabka sharci darada ah loola wareegay isaga oo shacabka reer Berbera ku tilmaamay dad coloosha laga gumeystay oo aan soo bandhigi Karin badheedhahooda ku aadan Diidmada warshada laydhka ee lala wareegayo.