Wasiir-ku-xigeenkii hore oo amniga oo ka warramay weerar ciidamada ammaanku ku qaadeen gurigiisa

Hargeysa(Berberanews)-Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo Cabdilaahi Abokor Aw-Cismaan oo dorraad laga sii daayey Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, ayaa markii u horeysay ka hadlay weerar ciidamada ammaanku ku qaadeen gurigiisa kaddib markii xukuumaddu ku eedaysay inuu ku kacay falal khatar ku ah ammaanka iyo aflagaaddo uu kula kacay masuulyiin ka tirsan Xukuumadda.Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland oo xorriyaddiisa dub u helay -Daawo

Cabdilaahi Abokor Cismaan oo Xabsiga ugu jiray Xukun saddex sanno ah oo Maxkamadda gobolka ku ridday dabayaaqada sannadkii hore, waxa uu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo weerarka Ciidamadu ku qaadeen gurigiisa markii la soo qabannay, haseyeshee waxa uu sheegay inuu dhacdadaas si faahfaahsan ugu soo bandhigi doono buug uu ka qoray muddado Lix bilood ah oo uu Xabsiga ku jiray.

“Ma jecli dhacdadaas inaan wakhti dhow ka hadlo, wakhtigii aan xidhnaa waxaan qorayey buug taariikhdaasi siday ahayd iyo dhacdadaas ku saabsan, isaga oo faahfaahsanna waxaan jeclahay inaan umadda reer Somaliland u soo bandhigo,” sidaas waxa yidhi Cabdilaahi Abokor oo shalay warfidiyeennada kula hadlay xilli uu ku sugnaa casuumad xisbiga UCID u sameeyey.
Wasiirkii Hore ee Amnigu waxa uu dhacdada habeenkaas gurigiisa lagu soo weeraray ku sifeeyey mid xannuun kulul oo bulshada Somaliland fahmi aanay wakhtigan fahmi karin ujeeddadii laga lahaa, waxase uu ka warramay arrin ku lammaanayd oo uu la kulmay saacado ka hor weerarka ciidamadu gurigiisa la beegsadeen, waxaanu yidhi, “Runtii waxay ahayd dhacdo xannuun kulul, waxaan ka xusuustaa isla habeenkaas ay dhacaysay ee laysoo weerarayey, taliyaha Sirdoonka iyo taliyaha Sirdoonka Madaxtooyada waanu wada-joognay, taliyaha qaybta (booliska) Galbeedkana waanu wada-joognay. Haddii lay leeyahay waa lagu soo weerarayaa wuxuun bay noqon lahayd waayo saraakiishii ugu sarraysay amniga Qaranka waanu wada-joognay. Waxay iska ahayd uun dhacdo qorshaheeda aanu bulshada Somaliland wax badan ka fahmi karin wakhtigan, iyada oo faahfaahsanna waad heli doontaa.”
Cabdilaahi Abokor waxa uu u mahad-celiyey shakhsiyaadkii iyo dadkii ka gubtay ee dareenkooda ka dhiibtay xadhiggiisa, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan uga mahad-celinayaa Xisbiga iyo madaxdiisa. Soomaalidu waxay tidhaahdaa; ‘Ma halbaan ku siiyaa mise halbaan kuu idhaahdaa’, waxaan xogogaal u ahaa xisbiga kaliya ee ugu hadalka badnaa dhacdadaasi inuu ahaa Xisbiga UCID, taasaanan ugu doortay inaan ugu soo horeysiiyo xisbiga UCID maanta (shalay) iyada oo ay jiraan macsuumado kale oo jiray.”

Xigasho Berberatoday.com