Wasiir Samsam Oo Xalay Television-da Ka Hor Is Taagay Wararkii Madaxda Gobolka Saaxil Ee Bookhday Xuduuda Isku xidha Maroodi Jeex Iyo Saaxil

 

Berbera-(Berberanews)-Habeenkii xalay waxa mucjiso iyo amakaaga ku noqotay suxufiyiinta ka hawl  gala gobolka Saaxil magaalo madaxdiisa berbera arin aan hore ugu dhicin.Arintaas oo ah inay television  ay u shaqayn jireen ee madaxa banaana oo wararkii ay u soo direen guud ahaanba baahin waayay ,wararkaas oo ay suxufiyiintu ka soo tabinayeen degaanka isku xidha gobolka saaxil iyo maroodi jeex ee Qudhaco oo ay ku sugnayeen guddomiyaha gobolka saaxil .maayirka magaalada berbera, xildhibaano ka tirsan golaha degaanka degamada berbera  Masuuliyinta degmada bulxaar iyo bulshada kala duwan ee ku nool degaanadaas oo diyaar garow ugu jiray sidii ay u soo dhawayn lahyeen  madaxwayanaha jamhuuriyada Somaliland axmed maxed maxuud (silaanyo) oo la filaayay inuu yimaado   Dawga cad oo xadhiga ka jaro ka dibna uu ka qadeeyo degaanka ceelsheekh  oo ka tirsan degmada bulaxaar oo ay xukunto  gobolka saaxil .

kkk ayaa waxa dhacday in wararkii halkaa laga soo diyaariyay Television Madax baanan baahin waayen  waxaana sababay  markii kooxda ay hogaamiso wasiirka wasaarada waxbarshada marwo samsam cabdi Aadan oo ka mid  yihiin  Mareeyaha TG Qaran  Somaliland  khadar cali gaas .maayirka caasmida hargaysa c/raxmaan solteco  .Mulkiilaha Hotelada Masoor c/qaadir xaashi  cilmi. Jawaano lacag ah u geeyen agaasimayaasha Televisionad  kuna socod siiyay inaan la baahinin wararka ku sahabsan soo madaxada gobolka saaxil  . sidaana looga waayay hawada wararki  la diray oo dhan . waxaana xusid mudan in HCTV warkiisi (5: 00) gaabnimo laga daawaday .Balse laga waayay wararkiisi ka danbeeyay oo dhan . waxa iyagu si toos ah wararkaas oo dhan u baahiyay  mareegaha website ee Afsomaliga lagu qoraan oo dhaamntood baahiyeen     wararkaas “ ujeedaduna waxa weeye in madaxwaynaha  Somaliland kooxadaasi  majar habaabiyaan oo degaano ka tirsan gobolka saaxil ugu   sheegi lahayeen  inay ka mid yihiin degaanka maroodi jeex .degankaasina waa tuulada ceel sheikh oo xukunto degmada bulxaar ee ka tirsan gobbolka saaxil waxaana ay Tuulada ceelsheekh degmada daara dasalaam oo ka tirsan maroodi jeex u jitaa 106KM Halka ay degmada bulaxaar ee ka tirsan gobolka saaxil u  jirto 16KM .waxaana sidaa kala cadaynaysa Kaabada Asaarta ah ee dawladii ingiirsku dhigay waxa kale oo iyadanua jirta ay dadka ku nool tuulada ceel sheikh inay rabaan inay ka sii mid ahaadan gobolka saaxil oo iminka xukuma .is ku soo wada duboo dadka dega degaanka maroodi jeexo iyo degaanaka gobolka saaxil ayaa ah dad  walaalo ah oo ka dhaxasay walaatino iyo tariikh soo jireen ah lakiise kooxada ay hogaaminayso wasiirk samsam ayaa iminka weer cad u xidhay sii colaado dheer uga dhex abuuri lahayeen dadka isku degaanka ah ee walaaltinmadu ka dhaxayso ilaa iyo iminkana lama garanaayo ujeeda ka danbaysa colaad iyo shirqoolada kala duwan ee ay maleegayaan iyo waxa ay uga gol leeyihiin waana arin u baahan in sida ugu haboon lagu soo dabaalo oo tuulada ceelsheekh  hadii ay ka mid noqoto gobolka maroodi jeex iyo hadiiba ay saaxil ka mid tahay waa mid aan macno badan samaynaynin  

 

Qalkii Mubaarik Nirig  

Nirig03@hotmail.com