Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo booqasho tegay Buuhoodle-Daawo

Buuhoodle-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey Magaalada Buuhoodle, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan Caleemo-saarka Garaadka Guud ee Buuhoodle (Axmed Garaad) Garaad Cabdirisaq Garaad Soofe Durraan oo bedeli doona Allah ha u naxariistee Garaad Cabdilaahi garaad Soofe oo Badhtamihii Sanadkii Tegay ku Geeriyooday Deegaankaasi.