Hargeysa-(Berberanews)-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in xukuummaddu ka hor istaagto mucaaridka munaasibadaha lagu furayo waxqabad ay dadku sammaysteen uu sheegay in aan xukuumadu waxba ku darsan.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa u sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa internetka ee Facebook.
Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan;”Dadka Reer Somaliland ee Wadooyinka Sameystay Waanu Hanbalyeeynaynaa, laakiin Xukuumad aan Waxba Ku darsani Inay iyaddu Xafladdaha Uun Kala Qayb Gasho oo Haddana ugu Hanjabto in aan Mucaaridka la Casumini Ma dawbaa? waa Qawda Maqashii waxna haw qaban!
Waxa aad iiga yaabiyey dhaqanadda Xukuumaddan Kulmiye ee aadka u jecel xafladdaha, faanka iyo Damaashaadka, oo weliba dadka ku khasabta in aanay mucaaridku iman haddii kale madaxweynaha Somaliland in aanu ka soo qayb geli doonin. Xilligii uu mucaaridka ahaa xisbigga Kulmiye waxa uu xafladaha qaran sida kuwa qalin jebinaha iyo kuwa wadooyinka lagu furaayo ee dadkoo dhan mideeynaaya uu kala qayb geli jiray xukuumaddii uu gadhwadeenka ka ahaa Daahir Riyaale ee UDUB. laakiin markuu Kulmiye talladda dalka la wareegay waxa uu bilaabay dhaqan siyaasadeed cusub oo ay ka muuqato kalsooni daro uu mucaaridka iyo afkaartooda ku cabudhinaayo. Haddaba goob aanay iyagu xataa dawlad ahaan aanay waxba ku darsan in ay yidhaahdaan dadka kale ayaanay imanin ma dawbaa? shalayto milgihii iyagoo mucaarid ah ay UDUB siisay hadday garan waayeen miyaaney muujinayenin kalsooni darro. Shacabku way ka dheregsan yihiin in marka ay xaflad furitaan ah uun ay tahay in marka la arko dawladdii oo ordaysa. Xafladdaha dhagax dhigiduna ay yihiin kuwa ay xukuumaddu caan ku tahay laakiin aan laga midho dhallin dhagax dhigidyadaasi. Waxaa kuu markhaati ah safarkii dheeraa ee madaxweynahu ku soo maray xeebaha ilaa Galbeed ilaa Bari iyo laas-qoray kal hore; maye mashaariicdii lagu qiyaasaayey $500 million ee ay dhagax dhigeen; miyaaney uun ahayn Qawda maqashii waxna haw qaban. Dadka reer Somaliland ee waddooyinka sameystay waanu hanbalyeeynaynaa.”
Berberanews.com