Booliska Hargeysaoo xidhay Weriye

Hargeysa-(Berberanews)-Agaasimihii Hore ee Bulsho Tv Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed oo kamida Suxufiyiinta Somaliland, ayaa goor dhawayd Ciidamada Booliska ee Madaarka Hargeysa Xabsiga U Taxaabeen iyagoo isla markaana u geystay jidh dil iyo hadidaad baahsana ugeystay .

Weriyaha Xabsiga loo taxaabay oo hada ka hawl-gala Idaacada Radio Hormuud ee dalka Denmark ayaa goor isaga oo ku guda jira Hawl-maalmeedkiisa shaqo waxa dhawayd xidhay Ciidanka Booliska ee Madaarka Caasimada Hargeysa iyagoo isla markaasina aan ku hayn faldanbiyeed sharciya oo uu sameeyey.weriye-Jiciir-278x300

Hadaba Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed Oo intii aan lagu xarayn qolka lagu xidhay khadka teleefanka kula soo xidhiidhay Wariye Miyir Cali Xuseen ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahayd “ Waxa hada si sharci daro ah ii qabsaday Ciidanka Booliska ee Saldhiga Madaarka Caasimada Hargeysa waxa ay iisii wadaan dhanka iyo qolka ay igu xidhayaan ,waxa ay ii geysteen jidh dil iyo hadidaad, iyagoo isla markaana qalabkii aan sitay burburiyey ma jirto wax sababa oo ay ii sheegeen inay igu haystaan”

Xukuumadda talada haysa ayaa sidan oo kale marar baddan xabsiga u taxaabtay weriyayaal ku guda jira hawlohooda shaqo, kuwaas oo loo xidho qaab ka baxsan hanaanka iyo sharciga u yaal dalka.