Ujeeddo: Tacsi
Anigoo ku hadlaya xilkayga Guddoomiyaha, ka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fannaaniinta iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Fannaan Marxuun Maxamed Axmed Kuluc oo maanta oo taariikhdu tahay 17/01/2015 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Marxuum Maxamed Axmed Kuluc wuxuu door wayn oo aan la qiyaasi karin ka soo qaatay horumarinta fanka iyo dhaqanka Soomaalida, waxaannan Marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin.
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi