Guddoomiyaha Guurtida oo sheegay inaanay wax faro-gelin ah ku samaynayn xiisadda tabasho ee Gobolka Awdal

Hargaysa(Berberanews)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan, ayaa daboolka ka qaaday inaanay Golaha Guurtidu wax faro-gelin ah ku samaynayn xiisadda tabasho ee Gobolka Awdal iyo qadiyada Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo uu sheegay inuu firdhoobay, kana Irdhoobay dalkiisa.

Saleeban Maxamuud Aadan oo Maanta Warbaahinta kula hadlay, Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale difaacay howl-gudashada Golaha uu madaxda ka yahay ee Guurtida oo inta badan lagu dhaliilo inay shaqadii loo igmaday ka gaabiyeen, isagoo taasi ku tilmaamay dacaayad aan xaqiiqada ku salaysnayn.