Wararkii u dambeeyay ee Qaraxii Muqdisho, Booqashada Madaxweyne Erdogan iyo sheegashada al-shabaab

Muqdisho-(Berberaneews)-Ugu yaraan saddex Soomaali ah ayaa ku dhimatay,oo labo kamid ahi ay ahaayeen laamaha ammaanka mid ka kalana uu ahaa shaqaalaha Hoteelka sida ay BBC u sheegeen boolisku qarax maanta lala beegsaday  Hoteel magaalada muqdisho kuyaala oo ay waftdi Turki ah ugu sii gogol xaarayeen booqashada Madaxwaynaha Turkiga.

Dawladda Turkiga oo sheegtay inaanay qaraxa u baaqanayn

Xukuumadda Magaalada Ankara, ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu berrito taggi doono Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Warbixin ay soo saartay Dowladda Turkiga, ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta lala beegsaday Hotel SYL, aanu dib u dhac ku keeni doonin socdaalka Madaxweynaha Turkiga ee Magaalada Muqdisho.150122141439_mogadishu_attack_624x351_reuters

Warbixinta waxaa lagu sheegay in khuburo xagga ammaanka ah oo Turkiga ka tirsan uu shir kaga soconaayay Hotelka SYL, xilligii uu weerarku dhacaayay.

Hotelka la weeraray wuxuu ku dhow yahay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, waana goob si weyn ammaankeedu loo ilaaliyo. Weerarkaasi waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Warbixinta waxaa kaloo lagu cadeeyay inaanay waxyeelo weerarkaasi ka soo gaarin Saraakiisha Turkiga, xilli la tilmaamay inay yihiin wefdi horudhac u ah booqashada Madaxweynaha Turkiga ee Xarunta Somaliya.

Hadalka ka soo yeeray Dowladda Turkiga, ayaa wuxuu dhabar jab ku noqonayaa Ururka mayalka adag ee Al Shabaab, oo ujeedkoodu lagu sheegay inay muuqaalka Muqdisho ka dhiggaan, mid aan leesku halleen karin.

Laamaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxay baarayaan goobihii laga soo abaabulay weerarkaasi ismiidaaminta ah yo cidii gacan ka geysatayba.

 

Ururka Al-shabaab oo sheegtay

Ururka Al Shabaab, ayaa waxay sheegeen weerarkaasi ay la beegsadeen Saraakiil u dhalatay dalka Turkiga, oo markaasi uu shir kaga soconaayay Hotelka SYL.

Hotelka la weeraray wuxuu ku dhow yahay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, waana goob si weyn ammaankeedu loo ilaaliyo. Weerarkaasi waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Waxaa la ogyahay inay ku dhimatay afar ruux, laba ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, haweeney rayid ah iyo ninkii qaraxaasi geystay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya Qaasim Axmed Rooble, ayaa sheegaaya inay soconayaan baaritaao ku saabsan,  cidda soo abaabushay weerarkaasi iyo weliba halka laga soo abaabulay.

Mintidiinta Al Shabaab, ayaa waxay isku deyayaan inay qal-qal geliyaan ammaanka Magaalada Muqdisho, xilli berrito uu ku soo fool lee yahay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

 

 

 

Hargeysa-(Berberanews)-Warqoraal ah oo arrintan Gobolka Awdal Xisbigu ka soo saaray waxaa warbaahinta u akhriyay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Boobe Yuusuf Ducaale “Waa Warsaxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Waddani oo ka dhashay Wada tashi balaadhan oo dhex maray Guddida fulinta,Hogaanka Xisbiga iyo Haldoorka Xisbiga Waddani.” Ayaa lagu bilaabay qoraalka

Xisbigu wuxuu tilmaamay Muhiimada Bulshada Awdal Qaranka u leedahay “Gobolka Awdal waxa uu ka mid yahay Gobolada Ahmiyadda Gaarka ah u leh Somaliland ee Doorka lama ilaawaanka ah ka soo qaatay dhisiddii Somaliland, nabadayntii iyo geedi socodka Dimuqraadiyadda”

Qoraalkan waxaa lagu faahfaahiyay Arrinta ka taagan Awdal iyo Bookhashada Madaxweynuhu dhawaan ku tagay “Maanta Gobolka Awdal waxaa ka taagan Xaalad aad iyo aad u murugsan oo ay masuul ka tahay Xukumadda dalka ka talisaa.dhiilada Gobolka ka taagan waa mid dhinacyo badan, Mar waa tabashada Madaxdhaqameedku soo qaddimeen, muddo 8 bilood laga joogo ka hor ee aan dhagba jalaq loo siin, kaddibna sii tarantay ee sii murugtay.

Tabashadaasi waxay ahayd mid ku saabsan sidii loo qaybsan lahaa Xilalka qaran, Madaxdhaqameedku kamay hadal sidii loo qaybsan lahaa Khayraadka dalka. Markale waa dhiilada ka aloosan goobta macdanta laga qodo ee Siimoodi oo muddaba taagnayd, halisteedana leh islamarkaana soo jiidatay dareenka iyo danaynta Dawladda Somalia oo markii u horaysay Qoraal rasmi ah ka soo saartay Macdanta halkaas laga qodayo.

Dhiilada intaas leeg ee muddada taagan ayuu Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayay ku tagay Safar, warkaas waa la soo dhaweeyay oo waa lagu farxay, iyadoo qof walba isku qanciyay in Madaxweynaha iyo Weftigiisu Xiisaddaas u heli doonaan Maarayn waarta.

Dadba wuxuu qoslay oo cadhuuftiisa dib u liqay markii Weftigii Madaxweynuhu bookhashadiisa ka bilaabay Goobtii Macdanta laga qodayay ee ay Magaalo Madaxdii Awdal ee Boorama-na u quudhi waayeen inay Saacad ku hakadaan, iyagoo fiidkiiba ka caraabay.talaabadaas aan laga fiirsan aad iyo aad bay uga cadhaysiisay Dadkii Gobolka Awdal iyo guud ahaan Reer Somaliland ba waxaanay gaadhsiisay heerar aanay waligood gaadhin. Waxaa ku habsatay Masiibo aanay galabsan balse ay u garatay Intii Xukumaddan gadhwadeenka ka ahayd.”

Xisbiga Waddani waxa uu sheegay inay haboonayd in Madaxweynuhu Bulshada Awdal wakhti uu kula xaajoodo siiyo “Waxay Mudnaantu ahayd in Dadka lala xaajoodo oo aan Mudnaanta la siin Macdanta laga qodayo Siimoodi, waxaa Ayaan darro ah Xukumaddeenan tan iyo maalintii ay talada dalka la wareegtay inay dhaqan iyo caado ka dhigatay Siyaasaddaha hadhaaga ah ee dunidu ka diga rogatay ee ah Qaybi oo xukun, waa tabihii iyo xeeladihii la adeegsan jiray Casri jaahiligii.

Tabahaas laga tagay waxay Xukumaddeenu ku darsatay Dhagax dhig,Xadhig jarid, Ballanqaad Ballan fur ka dambeeyo iyo Socdaalada Siigaaleyaasha la baxay ee sida Gaaraa bildhaanka hadba meel laga hilaacayo”

Xisbigu Wuxuu Baaq u diray Reer Awdal “Reer Awdal waxaanu ugu baaqaynaa inay ilaashadaan Nabadooda oo ka digtoonaadaan Dhagaraha loo maleegayo,Shacbiga Somaliland-na waxaanu ku baraarujinaynaa inay xogogaal u noqdaan xaaladda dhabta ah ee ka taagan Gobolka Awdal, islamarkaana ka gutaan xilka ka saaran.Reer Awdal inbadan bay Qarankan Somaliland u soo gurmadeen ee maanta abaalka hala celiyo oo ha loo gurmado”

Hadalkak Xisbiga Waddani ayaa imanaya iyadoo Muddooyinkii u dambeeyay Gobolka Awdal ay ka jirtay tabashooyin ku saabsan Saamiqaybsiga Kuraasta Qaranka iyo Shaqaalaha Dawladda. tabashada ayaa sababtay in Suldaan Wabar u baxo Buuraha kuna dhawaaqo inuu Somaliland ka goostay.

Madaxweyne Siilaanyo oo safarkiisa Buuraha iyo Banaanka la baxay ayaa Goor fiid ah soo galay Magaalada Boorama ka dib markii ay soo mareen Degaano Gobolka ka tirsan, waxaanu isla xilli hore ka soo baxay Magaalada Boorama isagoo u hoyday Magaalada Togwajaale. dadka qaarkii ayaa dhaliilay safarkaasi iyagoo ku dooday inay ahayd inuu Bulshada iyo Hogaanka dhaqanka Awdal wakhti siiyo oo uu la tashado, basle Xukumaddu waxay ku dooday in safarka Madaxweynuhu qorshaysan yahay meelaha uu u hoyanayana hore loo qorsheeyay.