Dub u dhac ku yimi safarkii Madaxweynaha Turkiga ee Somalia iyo Djibouti

Muqdisho (Berberanews)-Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay baaqashada socdaalkii u qorshaysnaa in uu ku tago Soomaaliya maanta, maalin uun ka dib markii qarax ismiidaamin ah lala eegtay hudheel ay degganaayeen wefti dalkiisa ka socda oo ku sugnaa Muqdisho.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, madaxweynaha Turkiga ayaa ka warbixiyay sababta baaqashada socdaalkiisa, waxaanu sheegay inuu ka qaybgalayo aaska boqorkii Sucuudiga ee geeriyooday, “Waxaanu go’aansannay in aanu tagno (Riyaad), halkaas ayaanu ku sii aaddanahay imika,” ayuu yidhi Erdogan oo u waramay telefishanka dawladda dalkiisa ee TRT. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Laakiin, waxaanu doonaynaa in sidii qorshahayagu ahaa aanu tagno Jabuuti iyo Soomaaliya.”Turkey's President Tayyip Erdogan addresses the media at the Presidential Palace in Ankara

Madaxweynaha turkigu wuxuu sheegay in uu u socdaali doono Jabuuti marka uu ka yimaaddo aaska boqorkii Sucuudiga Boqor Fahad oo  ku geeriyooday dalkaas. “Waa dib-u-dhigis uun imika, waxase uu Soomaaliya iman doonaa marka uu aasku dhammaado, laakiin ma ogin wakhtiga iyo taariikhda rasmiga ah ee ay noqon doonto,” waxa sidaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Khamiistii la soo dhaafay ee shalay ayaa gaadhi laga buuxiyay waxyaabaha qarxa waxa lala eegtay oo lagu qarxiyay hudheel ay ku shirayeen masuuliyiin ka kala socotay Turkiga iyo Soomaaliya oo ku yaalla muqdisho, waxaana halkaa ku dhintay laba ka mid ah ilaaladii hudheelkaas. Masuuliyadda weerarkaas waxa sheegtay ururka Al-Shabaab. Hase ahaatee, waxa dawladda Turkigu ay sheegtay in ay nabad-qabaan oo aanay wax ba soo gaadhin weftigii Turkiga ee halkaa ku sugnaa.