Madaxweynaha Somaliland oo xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay Dekedda iyo Haamaha Berbera

Berbera(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud(Siilanyo)ayaa maanta xadhiga ka jaray Mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay Dekeda iyo Haamaha shiidaalka Berbera.

Mashaariicda laga hirgaliyay Dekeda magaalada Berbera haamaha shiidaalka ayaa kala ahaa dhismaha Barxad weyn oo Maamulka Dekeda Berbera hirgaliyay sidoo kalena ay shaqaalaha Dekedu dhamaantood si tabarucaada ama iskaa wax uqabso ah ku dhiseen oo aad ubalaadhan.
sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu dhagax dhigay qeyb kaloo dhismaha Barxadaas Dekeda ka banaan oo dhawaan maamulka Dekeda berbera dhismaheeda bilaabi doonaan.

Dhinaca Haamaha shiidaalka ayaa Maareeyaha Haamaha shiidaalku soo bandhigay gaadiid isugu jira kuwa adeega iyo kuwo kaloo dab damisa iyo waliba laamid isku xidha magaalada iyo haamaha oo dhawaan dhismihiisa la hirgaliyay sidoo kale waxa uu Maamulka Haamaha shiidaalku Madaxweynaha soo tusay qeybo kamida haamaha shiidaalka oo ay dayactir balaadhan ku sameeyeen.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu dhagax jid laamiya oo 6 kiilo mitira oo ay Maamulka dawlada Hoose ee Berbera dhismeheeda hirgalin doonto.
 

Halkan ka daawo