Markab hub sida oo lagu qabtay Dekedda Berbera

Berbera-(Berberanews)-Markab u rarnaa ganacsato reer Somaliland oo ku soo xidhay Marsada Berbera, ayaa laga helay saanad hub oo cul cululs, kuwaasoo ay ka mid yihiin Kaarayaal, Doonyaha dheereeya iyo qoryo kala duwan.

Markabkan oo lagu magacaabo Mv Shaakir, kana soo shiraacday magaalada Duba ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabka, ayaa saaka qaar kamid ah shaqaalaha dekedda Berbera bilaabeen inay ka soo rogaan gaadiid u rarnaa ganacsato reer Somaliland, balse markii ay alaabtii bilaabeen ayay ku arkeen hubkan culus ee markabka ku raran, waxaanay islamarkiiba ku wargeliyeen maamulka Dekedda oo ammar ku bixiyay in la joojiyo dejinta agabkaas.Markab

Waxaannu isku daynay inaanu maamulka Dekedda Berbera wax ka weydiino xaaladda markabka, hayseyeeshee noomay suurtagelin.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in la xidhay kabtankii Markabkaas, islamarkaana baadhitaan ay ciidammada Boolisku ku hayaan kiiska Markabka,

Baadhitaan hordhaca oo la helayo, ayaa sheegaya in Maanafeeska (warqadda muujisa agabka markabka saaran) ay ku qorantahay oo keliya inuu sido alaab ganacsi.

Wixii warar ka soo kordha kala soco Berberanews.com