TACSI MADAXWEYNE: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan shacbiga somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Boqortooyada Sucuudi Arabiya, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis Aala sucuud oo 23.01.2015 ku geeriyooday dalkaasi, sucuudiga.Madaxweyne-Silaanyo62

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo boqortooyada sucuudi arabiyana samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Hambalyo u dirayaa boqorka cusub ee la wareegay boqortimimada, sucuudi arabiya, Amiir Salman Bin Cabdicasiis, oo dhaxal suge u ahaa boqorka geeriyooday.

Waxaanu madaxweynuhu alle uga baryayaa inuu xilka u fudaydiyo Amiirka, kana dhigo mid dalkiisa ku hogaamiya isku duubni iyo wada shaqayn waarta.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.