Muqdisho-(Berberanews)Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa abaarihii xilliga Salaadda Cishaha ee Magaalada Muqdisho, waxay nin dhalinyaro ahaa ay ku toogteen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Dilku wuxuu ka dhacay Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan meel ku dhow Isgoyska Hawlwadaag ee Degmada Hawlwadaag.
Labada nin, ayaa marxuumka ku dhuftay ilaa toddobo xabadood, iyadoo ay taasi keentay in durbaba uu ugu geeriyoodo goobtii ay ku dileen.
Ciidamada Dowladda oo ku baxay halkii lagu dilay marxuumka, ayaa waxay ka sameeyeen baaritaano, laakiin waxay ku fashilmayn inay gacanta ku soo dhigaan kuwii dilka geystay.
Dadka deegaanka oo dareen ka muujiyay dilka loo geystay ninkaasi, ayaa waxay soo sheegayaan inaanay jirin cid ay Ciidamada Dowladdu u soo xir xireen dilkaasi.
Hay’adaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa jirin wax war ah oo ay ka soo saareen dilka caawa ka dhacay Suuqa Bakaaraha.
Inta badan laamaha ammaanku uma suurta gasho inay gacanta ku soo dhigaan ragga bistooladaha la cararaaya, ee dilalka qorseysan ka fulinaaya qaybaha Magaalada Muqdisho.