Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Go’aannada ka soo baxay Shirkii Awdal

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay soo-dhawaynayso isla markaana ay ku hambalyeynayso go’aamada ka soo baxay shir beelaha Samaroon todobaadkii u dambaysay uga socday deegaanka ka tirsan gobolka Awdal, kaas oo ay ku tilmaantay mid natiijadiisu muujisay sida ay beelaha Samaroon ugu midaysan yihiin taageeridda, midnimada iyo wax-wada qabsiga shacabka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa madax-dhaqameedka iyo wax-garadka gobolka awdal ku hambaleeyey go’aamada ay u midaysan yihiin ee ka soo baxay shirkaas oo muddo shan maalmood ah socday, isla markaana shalay la soo gebo-gabeeyey