Khasaaraha ka dhashay Diyaarad Milateriga Nato ka tirsan oo ku burburtay Spain

Spain-(Berberanews)-Diyaarad dagaal oo dalka Gariiga laga lee yahay, ayaa gelinkii dambe ee maanta ku burburtay Xarun Militari oo Urur NATO, uu lee yahay Koonfur Bari Wadanka Spain.

Diyaaradda oo markaasi uun ka cago qaadatay garoon diyaaradeed oo Xaruntaasi Nato ku dhex yaala, ayaa waxay ku soo dhacday qaybta garoonka, markii cilad farsamo ay soo wajahday diyaaradaasi.Spain Military Plane Crash Spain Military Plane Crash f5d39876 abbf6614

Diyaaradda oo nooceedu uu ahaa F-16, ayaa waxay sameysay jug xoog badan kolkii ay dhulka ku soo dhacday, waxaana la arkaayay uuro xoogan oo cirka isu shareertay.

Shilkaan, ayaa waxaa ku dhimatay 10 ruux, iyadoo 13 kalana la sheegay inay ku dhaawacantay. 6 ka mid ah waxaa soo gaaray dhaawacyo halis badan.

Warbaahinta Spain, ayaa baahisay in laba nin oo duuliye-yaal ahaa oo diyaaradaasi la socday, ay ku dhinteen shilkaasi.

Dadka dhintay, ayaa waxaa la rumeysan inaanay Spain u dhalan, sida ay caawa xaqiijisay Wasaaradda Difaaca Spain.