Madaxweyne Geelle Rajo intee leeg buu ka qabaa heshiis dhexmara Somaliland iyo Somalia

Djibouti-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA, ayaa sheegay in heshiiskii ay dowladdiisu dhawaan la gaadhay mucaaradka Djibouti uu qaboojin doono xiisaddii siyaasadeed ee dalkaasi ka jirtay 2-dii sannadood ee la soo dhaafay.

Madaxweynuhu wuxuu wareysigan sidoo kale kaga hadlay arrimaha Soomaaliya, isagoo shaki ka muujiyay in doorasho ay Somalia ka dhacdo 2016tir.

Madaxweynaha Djibouti wuxuu wareysigan sidoo kale uga hadlay heshiiskii Somalia iyo Somaliland ay ku gaareen Djibouti, isagoo rajo ka muujiyay in natiijo fiican ay ka soo bixi doonto wadahadallada labada dhinac u dhaxeeya.Geelle

“Annaga sharaf bay noo tahay haddii aan waxtari karno inaanu tarno, Heshiisku wuu iman doonaa, waxa kaloo baahanyahay inay jawi fiican iyo walaalnimo iyo wadahadal nin waliba aragtidiisa sheegi kara, wixii kala kaxayn kara in tallaabooyin badan la soo qaadaa muhiim, iyaguna way aaminsayihiin.

Wax alla wixii nalooga baahdo oo dhan annagu diyaar baanu u nahay, hadalku meelaha nooga bannaanyahay waanu nidhaahnaa, kolka ay iyagu toos isu helayaana inay si caqli leh u wada tashadaan way fiicantay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Halkan ka dhegayso waraysiga Ismaaciil Cumar Geelle