Hargeysa-(Berberanews)-Shirar Maalmihii u dambeeyay Magaalada Hargeysa uga socday Beesha Maxamuud Jibriil (Ciise Muuse) ayay ku go’aamiyeen inay Suldaan u Caleemo Saaraan Xasan Maxamed Axmed.
Shirarkan oo ay ka qayb-galayeen Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo dhallinyarada beesha Maxamuud Jibriil ee Ciise Muuse, ayaa waxay ku go’aamiyeen inay Suldaan u caleemo saartaan Xasan Maxamed Axmed, ka dib markii ay ku qanceen inuu xilkaasi qaadi karo isla-markaana ku habboon yahay hawshaasi.
Xasan oo qaban-qaabada caleemo-saarkiisu ka bilaabantay Magaalada Hargeysa, ayaa marka lagu caano shubo waxay hawshiisu noqon doontaa isku ururinta beesha, ka shaqeynta wada jirta ummada, ka war-heynta xaaladaha dhaqan dhaqaale ee dadka uu Suldaanka u yahay, isaga oo hawshaasi la kaashanaya Cuqaasha beeshiisa
Berberanews.com