Ciidammada Ururka Xisbulah oo weerar culus oo Dhimasho iyo dhaawac keenay ku qaaday Ciidamada Israel

Hargeysa-(Berberanews)-Laba ka mid ah askarta Israel iyo mid ka mid ah shaqaalaha nabad-ilaalinta Qarammada Midoobay, ayaa ku dhintay weerar qorshaysan oo xoogaga Xisbullah ee dalka Lubnan, ay shalay  ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka Israel, iyadoo khasaaro kala duwan uu ka dhashay.

Weerarku wuxuu ka dhacay deegaanka Mount Dov, oo dhaca xadka kala qaybiya Lubnan iyo Israel, waxaana la arkaayay gaadiid lala helay gantaal, oo uuro uu ka baxaayay.

Peter Lerner oo u hadlay Taliska Militariga Israel, ayaa wuxuu xaqiijiyay in gantaal lidka diyaaradaha ah lala helay gawaadhi ay la socdeen Ciidamadooda.1EE2DD27-2881-4E11-A9F6-DB8928B85033_w640_r1_s

Israel waxay qiratay in weerarkaasi looga dhaawacay ilaa toddobo askari iyo burbur soo gaadhay mid ka mid ah kolonyada Ciidanka Israel.haseyeeshee may sheegan dhimashada saddexda qof ee ay baahisay wakaallada wararka Reuters.

Masuuliyada weerarka waxaa sheegatay Xisbullah, iyadoo baahisay inay waxyeelo ugu geysatay Ciidamada Yahuuda.

Weerarkaan wuxuu ku soo aadayaa, xilli toddobaadkii hore weerar ay Israel ka fulisay dalka Siiriya lagu dilay lix ka mid ah Xoogaga Xisbullah iyo Sarkaal sare, oo u dhashay dalka Iran.

Berberanews.com

Bariga dhexe

indo@berberanews.com