Dad Sida Xayawaanka loo Ugaadhsado oo Jidhkooda Lacag Badan la Kala Siisto

Qubane-(Berberanews)-Dad ku nool dalka Tansaaniya oo la yidhaa Albinos, isla markaana maqaarka iyo timahooduba caddaan yihiin, ayaa sida xayawaanka loo ugaadhsadaa oo bulshada ay la nool yihiin ka ganacsadaan, iyagoo rumaysan in jidhkoodu barako keenayo, xannuunada qaarna difaac ka yahay.

Waxa ay bulsho badan oo reer Tansaaniya ah aaminsan yihiin in jidhka dadka Albino uu dadka u keeno hanti iyo nasiib wanaagsan, sidaa darteed waxa qaarka hore amma dambe qofka keena laga siistaa $3,000 ilaa $4,000 doollar, haddii jidhkoo dhammaystiran la keenana waxa lagaga iibsada $75,000 doollar.

Inta badan dadka Albinada waxa loo weeraraa si joogto ah, iyadoo waliba gacmaha iyo lugaha amma halkii laga soo gaadhaba faash lagaga goosto, waxaanay taasi keentay in ay inta badan is qariayan.datauri-file

Xannuunka Albinims waa mid la iska dhaclo, waxa keena inay jidhka qofka  ka maqnaato maadada midabka madaw u samaysa ee (Melanin) la yidhaa, waxana lagu qiyaasaa 1%  inay xannuunkan qabaan 1,400 qof  ee meel wada jooga dalka Tansaaniya.

Baadhitaanno badan oo lagu sameeyey dadka xannuunkan qaba ee la weeraro waxa lagu sheegay in 74 qof la dilay, halka 59 kalena ka badbaadeen weerarro loo gaystay oo xubnahooda lagu goosanayey, xataa  marka xabaalaha lagu aaso ayaa laga soo faqdaa.

Kiiskii ugu dambeeyey waxa uu ku dhacay gabadh yar oo afar jir ah, taasoo bishii December ee sannadkii hore gurigooda laga afduubtay, waxana falkaas loo xidhay aabbaheed iyo adeerkeed, kadib markii la waayey, ilaa haddana lama helin.

“Dhulka ayaa la i dhigay sidii oon ahay ri’ la gawrarayo, kadibna gacanta ayey iga goosteen, waxaanay u baxsadeen kaymaha markay heleen lacagtii ay ku iibsadeen.” Sidaa waxa yidhi Mwigulu Matonange oo isagoo 10 jir ah laba nin isagoo dugsiga ka yimi gacan ka goosteen, sida lagu daabacay mareegta  IPP Media.