USA-(Berberanews)-Dowladda Mareykanka, ayaa waxay soo dhaweysay magacaabidda Golaha Wasiirada cusub ee Somaliya, ka dib muddo 43 saacadood ah, oo ay ka fekereysay tallaabadii ay qaadi laheyd.
War Saxaafadeed laga soo saaray Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi, ayaa waxaa lagu cadeeyay in Mareykanka uu taageersan yahay Golaha Wasiirada cusub, ee Somaliya yeelatay.
War Saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa Wakiilka Mareykanka ee Somaliya Amb. James P. McAnulty, ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu bogaadinaayo dhinacyadii ka qayb qaadatay soo xulista Golaha Wasiirada cusub.
War Saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku uu garab jooggo Dowladda Federalka Somaliya, isla-markaana uu sii wadi doono taageerada uu siiyo
Mareykanka, ayaa sheegaaya in Somaliya looga fadhiyo inay ka gudubto hardanka siyaasadeed ee ragaadiyay billihii ugu dambeeyay.
Berberanews.com