Garowe-(Berberanews)-Maxkamadda Darajada 1aad ee Maamulka Puntland ee Magaalada Garoowe, ayaa waxaa maanta la horkeeno toboneeyo nin, oo lagu eedeeyay inay falal dhac ah ka geysteen Garoowe.
Maxkamadda, ayaa waxay xukuno u dhaxeeya lix bilood ilaa laba sano ay ku riday lix ka mid ah, raggii maanta la horkeenay Maxkamadda, iyadoona dib u dhigtay intii kale.
Cabdinuur Jaamac, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Magaalada Garoowe, ayaa ku dhawaaqay xukunada kala duwan ee raggaasi lagu riday.
Ragga la xukumay oo deegaanka ah, ayaa waxay Maxkamaddu ku heshay cadeymo iyo qiraal muujinaaya, in falal ka baxsan xasiloonida ay ka wadeen Xarunta Gobolka Nugaal ee Magaalada Garoowe.
Korneyl Axmed C/laahi Samatar, Taliyaha Booliska ee Gobolka Nugaal, ayaa tani ku macneeyay mid fariin u noqoneyso dhalinyarada kale, ee xilliyada habeenkii ah dhaca ka geysanaaya Magaalada Garoowe, sida uu yidhi.
Berberanews.com
Garowe, Puntland
info@berberanews.com