Qarax ka dhacay Cusbitaal ku taal Dalka Mexico oo khasaar badan geystay+Sawiro

Mexico-(Berberanews)-Qarax  xoog badan, ayaa galabta laga maqlay Magaalada Mexico City ee Wadanka Mexico, ka dib markii gaadhi xamuula oo gaas siday ku qarxay Cusbitaal caruurta ah oo ku yaala Magaalada Mexico City, kaasoo  geystay khasaaro aad u ballaadhan.

Ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay inay ku dhinten toddobo ruux, iyadoo toboneeyo kalana ay ku dhaawacmeen. Dadka qaarkood waxaa soo gaadhay dhaawacyo halis ah.

Sidoo kale dayaanla qaraxaas, ayaa sababay burburka dhismooyin badan oo ku yaala nawaaxiga goobta qaraxu ka dhashay.Rescue workers are seen at the site of an explosion at a maternity hospital in Mexico City Police officers run near the site of an explosion at a maternity hospital in Mexico City Rescue workers are seen at the site of an explosion at a maternity hospital in Mexico City

Saraakiisha Mexico, ayaa waxay dareen ka muujinayaan in burburka hoostiisa ay ku jiraan dad, waxaana soconaayo gurmad lagu doonaayo in lagu samata bixiyo, suurta galnimada dad ku hoos jira dhismayaasha burburay.

Warbaahinta Mexico, ayaa si weyn u tebineysa qaraxaasi, oo ay ku sheegeen mid baqdin badan geliyay bulshada ku dhaqan Magaalada Caasimada ah ee Mexico City.

Berberanews.com

info@berberanews.com

944198d2 8cb8c740 8a87d5c1 40e7c92e b22ff939 e65369a1