Berberanews-Alexander Rondos, Wakiilka Midowga Yurub ee Afrikada Bari, ayaa waxa uu ka digay inay sii socoto xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Muqdisho.
Ururka Midowga Yurub oo taageero ballaadhan siiya Dowladda Federalka Somaliya, ayaa waxa uu walaac xoogan uu ka muujiyay xiisadda siyaasadeed ee Somaliya, waxa uuna ku baaqay in xal laga gaadho waxyaabaha la isku hayo.
Wakiilka waxa uu ku baaqay in la soo kaamil yeelo Dhismaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda, maadaama ay taalo hawl ballaadhan oo la doonaayo in la qabto sanadkaan.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayuu ugu baaqay in laga gudbo caqabada siyaasadeed ee dalka ka jirta, si dalka loogu hogaamiyo hiigsiga sanadka 2016-ka.
Dhanka kale Michele Cervone d’Urso, Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya, ayaa waxa uu soo jeediyay in xusulada loo joojiyo mushkiladda siyaasadeed ee Somaliya ka aloosan.
Beesha Caalamka, ayaa waxay ku baaqeysaa in la soo dhiso Dowlad wadaag ah, taa oo ah midda kaliya ee looga gudbi karo siyaasadda cakiran ee dalka ka taagan