Hargeysa(Berberanews)-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami,ayaa Hadalkii Puntland ka soo yeedhay ku tilmaamay mid sii xumaynaya Xidhiidhka aan cago badan ku taagnayn ee Somaliland iyo Maamulka Puntland u dhexeeya.
Maamulka Puntland ayaa shalay sheegay in Somaliland la wareegtay Hubka Berbera lagu qabtay islamarkaana ay ka baqayso in Al-shabaab gacanta loo galiyo hubkaasi.
Mudane Caddami oo Hargeysa Saxaafadda kula hadlay ayaa mid aan haboonayn hadalkaasi ku tilmaamay “Waxaan leeyahay Hadalkaasi waa hadal dabayshu soo qaaday oo Il-duuf ah,oo aan meeshiisii ahayn,kaas oo ku gabood falaya Xidhiidhka Caadiga ah oo aan mid qoto dheerba ahayn oo ka dhexeeya dadka deriska ah.waa mid ay Caadaysatay Puntland” ayuu yidhi Wasiir Caddami.
– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Ninka-Puntland-U-Hadlay-Sharciga-Baddaha-Ma-YaqaaneMalaha-Waa-Qoladii-Xoolo-Raacatada-ahayd..Somaliland-Waa-Lagu-Bogaadiyay-Qabashada-Hubka..Wasiir-Caddami.html#sthash.2Y0tkwl1.dpuf